Golaha Wakiillada Oo madaxweyne Biixi Ka Diiday In Xilka Laga Qaado Komishaneer Cabdicasiis Xirsi Oo Ka Tirsan Guddida Doorashooyinka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiillada Oo madaxweyne Biixi Ka Diiday In Xilka Laga Qaado Komishaneer Cabdicasiis Xirsi Oo Ka Tirsan Guddida Doorashooyinka
March 3, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Maanta Cod Ku Diiday Dalab uu madaxweyne Biixi, Usoo Gudbiyay kaasi oo ahaa  in xilka laga qaado Komishaneer Cabdicasiis Xirsi Warsame, oo ka tirsanaa guddida Doorashooyinka Somaliland, islamarkaana ay xubnaha gudida doorashooyinku ku eedeeyeen in aanu la shaqayn karaynin.

Xubintan oo guddida ku meteli jirtay xisbiga Waddani ayaa hore madaxweyne Biixi, ugu eedeeyay in uu la shaqayn kari waayay guddida Doorashooyinka.

Golaha wakiilada ayaa diid madooda dalabka madaxwayne ee xilka qaadista xubinta komishanka katirsan ucustaday in aanu lahayn eedaha loo soo jeediyay.

Tani waxa ay ka dhigan tahay in Cabdicasiis ka sii mid ahaan doono guddida Doorashooyinka haddii aanu iskii isu-casilin.

COMMENTS
LINKS