“Warqada Baraha Bulshada La Wareejinayo Waa Dacaayad Raqiis Ah, Oo Lagu Bartilmaamedsanayo Ragga Iyo Hablaha Difaaca Qarankooda”Agaasime Mustafe Shiine. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Warqada Baraha Bulshada La Wareejinayo Waa Dacaayad Raqiis Ah, Oo Lagu Bartilmaamedsanayo Ragga Iyo Hablaha Difaaca Qarankooda”Agaasime Mustafe Shiine.
March 4, 2024 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Mustafe Cabdi Ciise(Shiine), ayaa beeniyay in Yuusuf Cabdi Gaboobe ka tirsan yahay oo uu ka mushahar qaato Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimuhu waxa kaloo uu waraaq baraha bulshada la wareejinayo ku tilmaamay mid lagu bartilmaameedsanayo ragga iyo hablaha difaaca Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasna wuxuu ku sheegay farriin kooban oo uu ku baahiyay baraha bulshada oo u qornayd sidan:

“Warka la wareejinayo baraha bulshada ee ku saabsan in Yuusuf Cabdi Gaboobe ka tirsan yahay Wasaaradda Warfaafinta oo uu Mushahar ama gunno ka qaato maaha mid jira.

Waana dacaayad raqiis ah oo lagu bar-tilmaameedsanaayo ragga iyo hablaha qarankan difaaca oo iskood isku xilsaaray.”

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Jsl Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”

COMMENTS
LINKS