Dhalinyaro U Dhashay Somaliland Oo Muddo 17 Maalmood Ku Xidhan Magaalada Muqdisho! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhalinyaro U Dhashay Somaliland Oo Muddo 17 Maalmood Ku Xidhan Magaalada Muqdisho!
March 5, 2024 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Waxa muddo 17 maalmood magaalada Muqdisho ku xidhan dhallinyaro ka soo jeedda Somaliland kuwaas oo xabsiga loo taxaabay ka dib dilkii loo geystay Allah haw naxariistee Marxuum Cabdinasiir Muuse Dahable kaas oo lagu dhex dilay gurigii uu degganaa oo ku yaalley xaafadda Buulla-Xuubeey.

Dhallinyaradan xabsiga ku jirta oo ah 6 xubnood ilaa hadda laguma soo oogin wax dacwada oo loo haysto, lamana hor geynin laamaha garsoorka sida uu sharcigu dhigayo.

Sidoo kale, xildhibaannada iyo xubnaha dawladda ku jira ayaan iyaguna ka hadal dhallintan xabsiga maalmaha badan ku jirta, maxkamad la’aan.

Talaabada ay Maamulka somaliya ku xidh xidheen dhalinyarada reer Somaliland ee marxuumka la diley ay isku haybta yihiin ayaa umuuqata mid ay ku marin habaabinayso kiiska dilka ee loo gaystay marxuum cabdinaasir muuse halka  aan ilaa hada xaaladooda laga warhaynin dhalinyarada ay uxidh xidhay taasi oo mugdi galinaysa in uu marxuum cabdinaasir cadaalad helo

COMMENTS
LINKS