Shirkadda Meta Oo Sheegtay Inay Xalisay Cilad Maalintii Shalay Ku Timid Facebook Iyo Instagramka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkadda Meta Oo Sheegtay Inay Xalisay Cilad Maalintii Shalay Ku Timid Facebook Iyo Instagramka!
March 6, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Shirkadda Meta ayaa sheegtay in ay xalisay cillad farsamo oo soo waajahday Facebook, Messenger iyo Instagram ay shaqeyn waayaan muddo laba saacadood ah.

KYIV, UKRAINE – 2023/05/18: In this photo illustration, Facebook and Instagram logos are seen on a smartphone and Meta logo on a pc screen. (Photo Illustration by Pavlo Gonchar/SOPA Images/LightRocket via Getty Images)

Meta ayaa raaligelin ka bixisay dadkii ay waxyeeladu soo gaadhay, iyadoo sheegtay in ay xalisay dhibaatada sida ugu dhaqsaha badan ee ay awooddo.

“Waan ka warqabnaa arrin saameynaysa Galitaanka Facebook. Kooxahayada injineernimada waxay si firfircoon u eegayaan si ay u xalliyaan arrinta sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, “bog ay Meta leedaha ayaa sidaas lagu yidhi.

Facebook ayaa leh saddex bilyan oo isticmaaleyaal firfircoon bishii, halka Instagram la filayo inuu gaadho 1.4 bilyan adduunka dabayaaqada sannadkan.

Cilladda ugu weyn ee ay shirkaddu aragtay waxay ahayd sannadkii 2021, markii aasaasaha Mark Zuckerberg uu raaligelin ka bixiyay carqaladaynta ku timid hawlihii bogagga. Waxayna adeegyada Facebook, Messenger, Whatsapp iyo Instagram ayaa maqnaa ku dhawaad lix saacadood.

COMMENTS
LINKS