Ciidamada Booliska Jsl Oo Gacanta Kusoo Dhigay Gacan Ku Dhiig Lihii Waday Gaadhigii Dawlada Hoose Ee Hooyada Umusha Ah Hargaysa Ku Jiidhay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Jsl Oo Gacanta Kusoo Dhigay Gacan Ku Dhiig Lihii Waday Gaadhigii Dawlada Hoose Ee Hooyada Umusha Ah Hargaysa Ku Jiidhay.
March 12, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ciidanka booliska Somaliland oo qoraal gordhawayd ku baahiyay boga ay ku leeyihiin xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen eedaysanihii waday gaadhiga dawlada hoose ee maanta sida badheedhka ah xaafada bada cas ee magaalada hargaysa ku jiidhay hooyada umusha ahayd taasi oo ku geeriyootay halkii uu ku jiidhay.

#Warbixin:- Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bulshada u caddaynayaa inuu gacanta ku hayo eedaysane Axmed Ibraahim Muxumed 40jir ah  oo

saaka ku jiidhay degmada Gacmo-dheere ee  Magaalada Hargaysa Hooyo umul ah  , Eedaysanaha ayaa kamid ahaa darawallada gaaddiidka ee  Dawladda Hoose Hargaysa.

Ciidamada Boolisku waxay markiiba ka hawlgaleen oo ay  gacanta kusoo dhigay Edeysaneaha iyo gaadhiigaba  waxaanay  ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska. waxaanan  sida  ugu dhakhsaha badan loo horgayn doonaa sharciga

Taliska Ciidanka Boolisku waxa  uu murugada la qabsanayaa  ehelkii marxuumadaasi ka geeriyootay  , waxaanan alle  uga baryaynaa inuu  naxarisitii janno haka waraabiyo.

انا لله وانا اليه راجعون

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.

COMMENTS
LINKS