Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Afur Iyo Casho Ah Ku Maamuusay Bahda Garsoorka Dalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Afur Iyo Casho Ah Ku Maamuusay Bahda Garsoorka Dalka.
March 27, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cabdisamad Cumar Maal, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Ismaaciil Saleebaan Bowkax, Guddoomiyaha Guddida dib-u-habaynta Shuruucda Maxamuud Xuseen Faarax, Qaar kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Guddida Cadaaladda, Guddoomiyayaasha Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Degmada Hargeysa, qaar kamid ah Ku xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud, masuuliyiinta Ururka Garyaqaanada ee SOLLA iyo qaar kamid ah hal-doorka bulshada ayaa xalay kulan afur iyo casho ah la qaatay badi garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha iyo qareenadda ka hawl gala Gobolka Maroodi-jeex.

Nuxurka kulanka ayaa ku qotomay is xog waraysi guud oo la xidhiidha hawlaha ay bahda Garsoorku Qaranka u hayaan iyo xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya dhinacyada kala duwan ee Garsoorka, waxa sidoo kale qayb ka ahayd is cafin iyo isku laab-xaadhnaanta maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan taasi oo khayr badan iyo wanaagba uu ku duugan yahay.

COMMENTS
LINKS