Dalka Hooyo Soomaaliland : Ma Tahay Muwaadin Jecel Dalkiisa, Dadkiisa Iyo Dawladiisa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalka Hooyo Soomaaliland : Ma Tahay Muwaadin Jecel Dalkiisa, Dadkiisa Iyo Dawladiisa.
March 29, 2024 - Written by Editor:

Marka ugu horaysa  anigu ma ihi, shaqaale dawladeed, mid qaata mashaaricada dawlada laga qaato,       iyo  mid ka ag dhow madaxda Somaliland. Lakinse waxaan ahay muwaadin dhaba oo reer Somaliland jecelna wixii wadankeena bilan u soo kordha ee wanaag ah, kana xumaada wixii dad, dal iyo dawlad ahaan dhib inagu dhaca marka ay sidaas tahay, waxaan jecelaystay inaan halkan kugu la wadaago muxuu yahay muwaadin se sideen ugu sooci karmaa qofka Somaliland u dhashay lakinse aan gadhsiinayn muwaadimo dhamaystirin. Wadamada dunidu si kala gadisan bay u qeexan ama sharaxaan kalmada muwadin balse aynu soo qaadano Sida Somaliland sharxaada sharciyeed ee Dastuurka iyo Xeerarka  sharci ka bixiyeen “Muwaadin” waa maxay? Jamhuuriyadda Somaliland XEERKA JINSIYADDA (Xeer Lr. 22/2002)  Qodobka 1aad , Qeexidda Erey-bixinta  “Muwaadin”: “Waxa loola jeedaa qofka ka ISIRRAN dadkii deganaa gayiga Somaliland 26 Juun 1960kii iyo ka hor iyo qofka sifa sharci ah lagu siiyey jinsiyadda Somaliland”. Marka sidaas tahay, muwaadin hadba markii dalka Somaliland dib ugula soo noqoday dawladiinimadii halwaday ee Lixdankii midowgii Faashilka ah ee Somaliland iyo Somaliya. Somalland waxay dib u bilowday inay dib u hagaajiso ama samayso dawladnimado ku dhisan Sharci bulsho hadba dawladii yagleelkeedii iyo bilowgeedii waxaa jiray ragga aynu odhan karo waxay ahayeen kuwii bacda Allah salka u dhigay dawlad aynu manta hadhasanayno manta. Muwaadintaa laga yaabo inaad qaar badan xasuusan karto midba kaalin uu lahaa ama kaga jiray dawlad dhiska qaybaheeda kala duwan sida dhinac Nabayntii, Waxbarashadii, Caafimadka, Policeka, Militaryga, Sirdoonka, Saxaafada, Asluubta IWM.

Iyadoo taasi jirto baa ragga badan oo manta qaarkood yihiin Sariir oolad ama dhakhtarada ay  ku jiraan qaarkale oo badani ay dhinteen Sida tusaale, Madaxwaynihii Labaad ee JSL, Mohamed I Egal, Gudoomiyihii Kowaad ee Guurtida JSL Sheikh Ibrahim, Oday qaran Abdi Waraabe, Sheikh Nux fure, Wasiir Fagadhe, Gudoomiyihii Saddexaad Golaha Wakiilada JSL Mohamed Aden Qaybe, iyo qaar kale oo halkan ku soo koobi karinba ay ahayeen dhamaan ragga u soo dadaalay dhiska Jamhuurayada Barkaysan ee Somaliland.

Muwaadintii soomaaliland iyo dawlad ahaanba  waxaynu samayn dadaal muuqda oo la taaban karo kadib la soo noqoshadii dawladnimadeena 1991 ilaa manta wax badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin aynu qabsan oo ay ka mid tahay  Doorashooyinka nidaamka heshiis ee bulsho ee xisbiyada badan ama Afka Qalaad “One men Vote System”.

Muwaadin ahaan waxaan dareemay in dhalin badan  oo xisbiyada ku jirtaa ama aanay ogaynba halka dalkan laga keenay aanay ka maqan tahay masuul uu sheeganayo ee mataalada xisbi qaran ama urur Siyaasadeed lakin ay u muuqato  dhaliilitaanka qofeed aan ahayn maamul dhaliil  qofki la doortay  sida Madaxweyne, ku xigeenkiisa, Maayir ama Maayir ku xigeen ,  Xildhibaan gole deegaan, ama xildhibaano barlaamanka.

Hadba waxaan tusaale u soo qaatay raggii alle weyne sababta uga dhigay dawladnimada aynu hadda joogno iyaguba waxay ahayeen ragga ku mucaarid ah madaxwaynihii markaa Somaliland maamulayey lakin waxaa jiray wax ay xeeriyaaniyo, wax la soo maray taariikh ahaan, iyo loo socdo in Somaliland dawladnimadeeda la dhiso si ay uga mid noqoto dawladaha caalamka hada ogow qaar ragga aan xusay iyo qaar aan xusinba wadankan waxay galiyeen dhiigooda, maalkooda, waqtigooda oo dhan waxna kama aysan dhaafsan halkan laga yaabo in adiga hamigaaguba aanu arkin halka aad ha joogto Meesha ka shishaysa ama ka soo hor jeeda oo aan ula jeedo inaad hayn aragti aad wax ku badashee ay tahay uun wax dhaliil ha lagu arkee.

Guntii iyo gabogabadii waxaan qalinka ku soo koobay, Ma tahay muwaadin dhinac waliba muwaadin ah, aan ku sifoobin  hebel la hadaliyo,  halkeer iyo halkan baa la maray ama la joogaa, waxaan muwaadinta sharafta leh ee reer Somaliland u soo jeedin lahaa in waxqabadka la saaro muhiimada ciddii markaa Meesha joogtana la shaqeeyo si dunida kale yeesho markay doorasho noqotona la isla xisbaatmo la tartamo xarago ah af iyo ficilba oo edaab iyo akhlaaqadi ku jirto. Somalidu waxay tidhaahdaa “kol kii hooyaday guursadaaba waa adeerkay”

Fiiro gaara ah qoraalkan kooban kuma dhaliiyo Xisbi mucaarida kuma taageerayo mid hadda joogee waa uun Sida aynu hadda nahay ma dhaanaa walaalayaal.

QORE; Ayaanle Omar Iidan

Muwadin Somalilander ah

Email : Ayanleomeri@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS