Qaranka La Difaacay Ee La Isku Abaal Marinayaa Mee? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaranka La Difaacay Ee La Isku Abaal Marinayaa Mee?
March 30, 2024 - Written by Editor:

“Dadka Baraha Bulshada Sida Aan Habooneyn u Isticmaala Iyo Kuwa Kala fogeynta Dadka Somaliland Wadaa, Ma Qaran Bay Difaaceen?” Mahamed Dhimbiil.

Dalkani waxa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ee hadda jooga loo dhiibay isaga oo ciidamadiisa iyo maamulkiisu joogo deegaanka Gambadha ee bariga magaalada Laas-caanood.

Todoba sanadood oo bilo koobani ka dhiman yihiin waxa maamulkii iyo ciidamadii qarankuba joogaan degmada Oog oo 90km galbeed ka xigta magaalada Laas-caanood.

Marka laga yimaado dib u gurasho maamul iyo ciidan waxaa dhacay khasaare badan oo dalka jamhuuriyada Somaliland soo gaadhey maadaama dadkiisii is-dileen oo kala irdhoobeen.

Haddaba waxa isweydiin leh qaranka la difaacay ee la isku abaal marinayaa mee? Halkee maamulkii dalku joogaa maanta? dadka baraha bulshada sida aan habooneyn u isticmaala iyo kuwa kala fogeynta dadka Somaliland wadaa ma qaran bay difaaceen ?

Waxii dhacay sanadkii 2023 ee guud ahaan dalka jamhuuriyada Somaliland soo gaadhey khasaare iyo dhibaato cidi lama wadaagto xukuumada talada haysa ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sida aan loola wadaagin waxii waxqabad iyo horumar ah ee ay ku fanaan.

Ummaddu hadaanay runta isku sheegin mar kaliya ma jabto ee toban jeer ayuu jab iyo dib u dhac soo gaadhaa , halkii aynu ka eegaynay istaratijiyad qaran iyo hab dawladnimo in lagu waajaho dhibaatooyinkii dhacay hadii Hargeisa heelo laga tunto dee xal u noqon mayso.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxaan leeyahay falaadhi gilgilasho kaagama go’do waa lagaa sugayaa dalkii dhameyska tirnaa ee laguu dhiibay iyo dadkii walaalaha ahaa 14 Dec 2017.

W/Q;-Mohamed Abdi Jama  “Mohamed Dhimbiil”

COMMENTS
LINKS