Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Oo Ka Hadlay Fal Noociisu Ku Cusub Yahay Somaliland Oo Lagula Kacay Mid Kamid Ah Engineerada Shirkada Gacanta Ku Haysa Biyo Balaadhinta Caasimada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Oo Ka Hadlay Fal Noociisu Ku Cusub Yahay Somaliland Oo Lagula Kacay Mid Kamid Ah Engineerada Shirkada Gacanta Ku Haysa Biyo Balaadhinta Caasimada!
March 31, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Maxamed Cali Darood ayaa qoraal Uu Ku Baahiyay Barta Uu ku leeyahay Facebookga kaga hadlay fal noociisu ku cusub yahay Somaliland oo lagula kacay midkamid ah hawlwadeenada shirkada chineseka ah ee gacanta ku haysa biyo balaadhinta caasimada hargaysa kaasi oo uu sheegay in maalin afduub loogu haystay guri kaasi oo ay haysteen koox uu ku sheegay in ay yihiin dhaqaale raadis isagoo arimahaasi ka hadlayana Wuxu Yidhi;

Biyaha Hargeysa qaydhiinka lagu qaybsan maayo…

Waxa maanta lagu guulaystay sii daynta mid ka mid ah mas’uuliyiinta Shirkadda Chinese-ka ah ee gacanta ku haysa mashruuca biya-galinta magaalada Hargeysa ee uu maalgaliyo Bangiga Horumarinta Germany, oo ku dhawaad muddo maalin ah si ka baxsan xoriyaddiisa iyo sharciga dalkaba loogu hayay xabsi guri, laguna hayay goob ka baxsan goobaha sharciga dalku ogolyahay in qofka lagu hayn karo iyadoo arrinkaa ay ka dambeeyeen kooxo ku midaysan dano dhaqaale, ujeeddadooduna tahay hagar daamaynta rajada biyaha Hargeysa.

Waxa aan u mahad naqayaa Ciidamada Police-ka Dalka iyo Taliye Maxamed Aaden Saqadhi Dabagale oo arrinkaa soo af-meeray.

Wakaaladda Biyaha Hargeysa wax ay wakiil kaga tahay shacabka Hargeysa iyo Dawladda Somaliland iyo saaxiibada dhinaca horumarinta aan ka-wada shaqayno in mashaariicdan loo hirgaliyo si hufan oo keenta in mashaariicdu gaadhaan ujeeddadii laga lahaa.

Mashruucan oo hadda maraya meel gabagebo ah ma qaadin karo khalkhal galin, hakad kasta oo ku yimaadna waxa uu keeni doonaa dib u dhac aan la aqbali karin.

Waxa aan mar walba kasoo horjeednaa cid kasta oo caqabad ku ah midho-dhalka mashaariicdan biyaha ee muhiimka u ah nolosha bulshada reer Hargeysa.

Biyaha Hargeysi meel macaash laga raadiyo ka wayn.

COMMENTS
LINKS