Guddida Heer Qaran Ee Qorshaynta Qaranka Jsl Oo Maanta kulmay Iyo Qodobada Kasoo Baxay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddida Heer Qaran Ee Qorshaynta Qaranka Jsl Oo Maanta kulmay Iyo Qodobada Kasoo Baxay!
April 1, 2024 - Written by Editor:

Kulankan oo bishiiba hal la qabto ayaa waxaa lagu jaan joogaa qorshayaasha Horumarineed ee dalka si loo helo dal nabdoon, Dimuqraadiya dadkiisuna ku nool yihiin nolol heer sare ah.

Kulanka maanta oo ka ka qabsoomay xarunta Madaxtoodaya Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxaa ka soo baxay Go’aamo muhiim ah waxaana kamid ah qodobada ay gudigu isla qaateen:-

1;Soo jeedinta qaabka ugu haboon ee ay Somaliland toos ugu helayso deeqaha iyo maalgelinta.

2;Hirgelinta Sanduuqa Horumarinta Qaranka oo 20% miisaaniyada qaranka loo qoondeeyo si la isu waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo Miisaaniyada Qaranka.

3;Gudiga Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa go’aaminaysa mashaariicda laga maalgelinayo Sanduuqa Horumarinta Qaranka oo ku salaysnaan doona mudnaanta Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo goobaha laga fulinayo si loo hubiyo faa’iidada mashruucu soo hoynayo iyo sinaanta muwaadiniinta.

Gudiga Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa ka kooban Wasiiradda Wasaaraddaha Qorshaynta, Maaliyada, Arimaha Gudaha, Arimaha Dibada, Horumarinta Maalgashiga, Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Reer Miyiga, Waxbarashada, Biyaha, Gaadiidka, iyo Caafimaadka.

COMMENTS
LINKS