“Waxaanu ku Wargelinaynaa Dhammaan shacabka Somaliland, Inay ka Fogaadaan Goobaha Dooxyada , Laagaha Iyo Biraha laydhka”Ciidanka Booliska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaanu ku Wargelinaynaa Dhammaan shacabka Somaliland, Inay ka Fogaadaan Goobaha Dooxyada , Laagaha Iyo Biraha laydhka”Ciidanka Booliska
April 2, 2024 - Written by Editor:

WARGELIN MUHIIMA :

Sidaa la socotaan waxa la galay xilli roobaad , iyadoo la sadaalinaayo raxmad badan oo keeni kara wacyeellooyin laga taxadari karo ,  Haddaba Waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan goballada , degmooyinka iyo miyigaba inay ka fogaadaan goobaha Dooxyada , Laagaha , Biraha laydhka  iyo guud ahaan meelaha  Biyo-mareenada ah. Sidoo kale waxaannu  faraynaa wadayaasha Gaaddiidka ina ay taxadar badan muujiyaan xawaaraha gaaddiidkana dhimaan iyagoo qadanaaya awaamiirta Ciidanka Nabadgalyadu Waddooyinka ( Traffic).

Ciidanka Boolisku waxa uu u taaganyahay ilaalinta Diinta , Nabadda , Maalka iyo Nafta muwaadiniinta JSL .

Xafiiska Warbaahinta  Ciidanka Booliska JSL.

Call  Center  ka guud  999 /520175

COMMENTS
LINKS