Wasiirka Wasaarada Biyaha Jsl Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Kormeeray Goobta Laga Dhisi Doono Dhaamka Degmada Dacar budhuq. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Wasaarada Biyaha Jsl Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Kormeeray Goobta Laga Dhisi Doono Dhaamka Degmada Dacar budhuq.
April 3, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha Dr Sulayman Yusuf Cali koore oo uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL  Eng Cali Cumar Maxamed ( Eng Cali xoorxoor), Marwo faadumo siciid iyo Agaasimaha Waaxda biyaha Oogada Sare Eng Cabdiraxmaan Muruq-liqe ayaa kormeer iyo u kuurgal ku tagay goobta  Dhaamka ay Wasaaradda Biyuhu ka bilaabayso magaalada Decar-budhuq ee degmada Laas-geel,

Weftiga ayaa halkaa kula kulmay dadka deegaanka iyaga oo ugu bushaareeyay in uu diyaar yahay dhaamka ay xukuumadu ugu talo gashay  Magaalada Dacar-budhuq dhakhsana loo bilaabayo  dhaamka.

COMMENTS
LINKS