Xildhibaan Sanbaloolshe Oo Markale Loo Magacaabay Agaasimaha Haayada Sirdoonka Somaliya Ee NISA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Sanbaloolshe Oo Markale Loo Magacaabay Agaasimaha Haayada Sirdoonka Somaliya Ee NISA
April 4, 2024 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista Agaasime cusub oo ay yeelatay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA, xilkaas oo loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Sanbaloolshe kuma cusba xilka maanta loo magacaabay oo wuxuu horay u soo qabtay labo jeer oo kala ah 2014 iyo 2017, wuxuuna beddelayaa Mahad Maxamed Salaad oo xilkan hayey tan iyo August 2022.

Mahad Salaad oo war kooban ka soo saaray xafiiskiisa ayaa u hambalyeeyey Agaasimaha cusub ee lagu beddeley, isagoo dhanka kale u Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha uga mahadceliyey fursadda ay siiyeen.

Mahad Salaad ayaa mudadii uu xilka NISA hayey wax weyn ka qabtay ammaanka caasimadda Muqdisho, asagoo ku guuleystey in uu yareeyo qaraxyadii magaalada ka dhici jirey.

COMMENTS
LINKS