Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Marxuum Siyaasi Abiib Diiriye Oo ku Geeriyooday Dalka Jarmalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Marxuum Siyaasi Abiib Diiriye Oo ku Geeriyooday Dalka Jarmalka.
April 7, 2024 - Written by Editor:

Madaxwaynaha jsl Oo dhambaal tacsi ah udiray qoyska iyo shacabka reer somaliland uu ee ka baxay Marxuum Muj. Abiib Diiriye Nuur “Abiib Timacad”

TACSI MADAXWEYNE: 07/04/2024.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Somaliland, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo ku geeriyooday Dalka Jarmalka maanta oo ay taariikhdu tahay 07/04/2024.

Waxaanu Madaxweynuhu Marxuumka ku sifeeyey muwaadin muddo dheer u soo shaqeeyey Una soo halgamay dalkiisa iyo dadkiisa, xilal kala duwan oo wasiirnino iyo La-taliye madaxweyne-ba ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu Waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqu ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS