Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Tacsi Udiray Marxuum Abiib Diiriye “Abiib Timacad Oo Ku Geeriyooday Dalka Jermalka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Tacsi Udiray Marxuum Abiib Diiriye “Abiib Timacad Oo Ku Geeriyooday Dalka Jermalka!
April 7, 2024 - Written by Editor:

Alleh Ha,unaxariistee Waxaa Dalka Jermalka Maanta Galinkii Danbe Ku Geeriyooday  siyaasi/Muj Abiib  Diiriye Nuur “Abiib Timacad” oo ka Mid ahaa haldoorka Reer Somaliland

Siyaasi Abiib Timacad Ayaa  wuxuu xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland isago oo iminka ka mid ah masuuliyiinta xisbiga WADDANI.

Murrashaxa madaxweynaha Ee xisbiga WADDANI dr. Cabdiraxmaan Cirro Ayaa shacabka Reer Somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku ka Tacsiyadeedyay Geerida Ku TimidIsagoo ka hadlayana Wuxu Yidhi;

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN;

Waa geeri xannuun badan runtii, waa se aynu ku samraynaa qaddar ALLE, waxaa hadda la ii xaqiijiyey geerida walaalkay iyo saaxiibkay Marxuum Wasiir hore Abiib Diiriye Nuur Wacays (timacad) oo xaqii ugu yimid dalka Jarmalka oo dhawaanahan xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayey.

Marxuumka laba bilood ka hor ayaan hoygiisa uu ka degannaa magaalada Hargeysa ku booqday, waxa aan ka marag kacayaa in uu ahaa addoon saalix ah oo wanaagsan, saaxiib dun xariira leh, Oday weyn oo ka shaqeeya maslaxadda guud ee umadda, Mujaahid dalkiisa u soo halgamay, Xukuumadihii ugu badnaa xilalka Wasiirnimo ka soo qabtay oo dalkiisa u soo shaqeeyey, iminkana ahaa siyaasi culus oo ka tirsan madaxda sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Geeridiisa, waxa aan uga tacsiyadeynayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, asxaabta, caruurtiisa, ilma Xaamud Jibriil oo uu abtigood ahaa iyo dhammaan shacabka reer Somaliland, Ilaahayna waxa aan uga baryayaa in uu ku hubsado Jannatul firdowsada sare, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan ha innaga wada siiyo. Aamiin.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  Cirro.

Makkah.

COMMENTS
LINKS