Shir Lagaga Hadlayay Arimaha Abniga Jsl Oo ka Qabsoomay Miiska Saraakiisha Iyo Qodobada Kasoo Baxay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shir Lagaga Hadlayay Arimaha Abniga Jsl Oo ka Qabsoomay Miiska Saraakiisha Iyo Qodobada Kasoo Baxay!
April 14, 2024 - Written by Editor:

Maanta oo ku beegan 14-04-2024()- waxaa ka qabsoomay Xarunta Miiska Saraakiisha shirkii amniga, kaasoo ku saabsanaa adkaynta amniga guud ee Dalka, gaar ahaana amniga gudaha iyo xuduudaha Dalka, shirkan waxaa ka soo qaybgalay Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Shirkan amniga ayaa waxaa kale oo lagu falaqaynayeyb u diyaar garowga xuska maalinta Qaran ee 18 ka May, taasoo si wayn loogu diyaar garoobayo shacab iyo Dowladdba, iyadoo la isla qaatay in la dardargeliyo wada shaqaynta lamaha amniga iyo Xoojinta amniga, iyadoo shacabka Jamhuuriyaddana ay markasta doorkooda ka qaataan ilaalinta Nabadgalyada iyo la shaqaynta Ciidamada kala duwan ee u taagan sugid nabadgelyada.

COMMENTS
LINKS