D A K H L I G A J A M U U R I Y A D D A S O M A L I L A N D! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
D A K H L I G A J A M U U R I Y A D D A S O M A L I L A N D!
April 19, 2024 - Written by Editor:

A r a a r | A f e e f:

Ma yara cimriga JSL, waxa ay jirtaa 33 sano, waa rubuc qarni, lagu samayn karo horumer waara (Sustainable Development)

H o r d h a c:

Ujeedka qoraalkani waxa uu daaran yahay baraarujin, taas oo micnaheedu yahay in waajib ku tahay kolba xukumada xilka haysaa, in ay dalka iyo dadka horumariyaan, mudada dastuur qaranku u cayimay oo ah 5 sano, ma durrayo amma cambaaraynayo cid gaar ah, balse garaadku/maanku waxa uu ina siinayaa in mudo 33 sano ah, wali wareegin taayinkii tubta hiigsiga horumerka, masuuliyadaasina la wadaagin oo ay ku dhaliilan yihiin xukumadihii kala dambeeyay ee soo maray dalka iyo xukumadan xilligan xaadir ka ah xilka haysa.

I l l a h a  D a k h l i  e e  D a l k a:

Waxa aynu garan karnaa in furaha horumer ku yahay dhaqaale, dhaqaalahuna u baahan yahay tab iyo xeelad aqoonaysan oo loo abuuro, illaha dakhli ee ku muujisan miisaaniyaddihii kala gedisnaa ilaa mudadaa 33 sano ahayd, waxa ay ka soo baxaan:

1.Cashuur (Qaybaha kala duwan ee cashuurta)

2.Deeqda Qaadhaan Bixiyayaasha.

Dhaqaalaha caynkaas dalka ku soo gala, inta lagu horumerinayo ayaa ba yar, waxa ay ku baxdaa waa dhaqaalahaasi ‘ye (Gunadda iyo Mushaharka ciidamada kala duwan ee dalka, Gunadda iyo Mushaharka macalimiinta, Gunnadda iyo Mushaharka wasiiradda iyo shaqaalaha kala duwan ee dawladda dhexe iyo ta hoose ba, Gunadda iyo Mushaharka Golayaasha “Wakiiladda iyo guurtidda” iyo wixii la hal maala)

Ma lihin Warshaddo wax-soosaar, balse waa aynu yeelan karayney hadii somaliland daacad u yihiin gadhwadeenadii kala gedisnaa ee soo maray dalka iyo kan joogaba, ma lihin ceelal shiidaal balse waa aynu yeelan karaynay hadii danta guud ka hormarinayaan danahooda gaar ka ah

D h a l i i l  – T o o s i n e e d

Akhriste meel dhaw aan kaa tuso in nimankan danaystayaal yihiin waa Madaxda Somaliland ‘e, Sida uu dhigaayo dastuurka qaranka mudada xilka Madaxweynuhu waa 5 sano, kani imisa sano ayuu fadhiyaa? se kii ka horeeyay imisa sano ayuu fadhiyey? Se kii ka sii horeeyay imisa sano ayuu fadhiyey?

Hadii aad ku eegto Il indheergarad maxsuulka kuu soo baxayaa waxa uu noqon doonaa odhaahda ah “Somaliland Markaygii”

Ma jiro isla xisaabtan? Ma jiro tanaasul ay inoo sameeyeen madaxweynayaashii kala duwanaa ee soo maray dalka, marka laga reebo “AHN. Madaxweyne. Maxamed X. Ibrahim Cigaal”.

X a l k a:

Kay ishiisa ka arkaan

Ushiisay la dhacaan

Xalku waxa uu yahay Bulshooy in aad toostaan oo aad garataan in siyaasiyiintani (mucaarid iyo muxaafid) ba, ay turub idinku dul ciyaarayaan, idinkuna qab-yaalad iyo kala qoqob deynweydeen, kaad xilka u dhiibataan sanadkiiba hal mar la xisaabtama, hadii aad garataan in dalka aanu wadi karin, tidhaahdaan (Maad noqon kii dalku u baahnaa ee dhiib xilka).

G e b o g e b o

Alleh (swt) ha inoo keeno Madax kheyr qabta, oo dalka gaadhsiisa horumer waara (Sustainable Development).

ALLEH MAHAD LEH

QORE; Dr. Abdihakim M. Abdi

COMMENTS
LINKS