WAJAALE NEWS

Ciidanka Dab Damiska Jsl Oo Dooxa Hargaysa Kasoo Saaray Maydka Wiil Dhalinyaro Ah Oo Mudo Todobaad Ah Eheladiisu La,aayeen!

Alle Haw Naxariistee Wiil dhalinyara oo lagu magacaabi jiray Cabdifataax Aadan Cismaan ayaa mardhawayd ciidanka Dabdemisku ka soo saareen Maydkiisa Dhir ku taala agagaarka Dooxa weyn ee magaaalada Hargeysa, gaar ahaan dhinaca xaafada New Hargeysa.

Wiilkan ayaa sida eheladiisu u sheegeen ciidanka ka maqnaa muddo Todobaad, waxaana maanta maydkiisa laga helay dooxa weyn ee Hargeysa.

Ciidanka Dambibaadhista Booliska iyo Cisbitaalka weyn ee Hargeysa ayaa iyaguna hawlgalkaa Qayb ka ahaa.

Maydkaa waxaa la wareegay ciidan ka CID da ee Booliska, waxaana ay ku wadaan Baadhis.

Ciidanka Dabdemisku wuxuu tacsi u dirayaa Qoyskii iyo Eheladii uu Marxuumu ka baxay.

Exit mobile version