𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗬𝗮𝗿𝗲 A𝗱𝗱𝗼𝗼𝗻 𝗔𝗹𝗹𝗲 O𝗼 S𝗮𝗺𝗶𝗿, D𝘂𝗹𝗾𝗮𝗮𝗱, A𝗾𝗼𝗼𝗻 I𝘆𝗼 A𝗳-𝗴𝗮𝗮𝗯𝗻𝗶 𝗸𝘂 S𝘂𝗻𝘁𝗮𝗻𝗮𝗮! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗬𝗮𝗿𝗲 A𝗱𝗱𝗼𝗼𝗻 𝗔𝗹𝗹𝗲 O𝗼 S𝗮𝗺𝗶𝗿, D𝘂𝗹𝗾𝗮𝗮𝗱, A𝗾𝗼𝗼𝗻 I𝘆𝗼 A𝗳-𝗴𝗮𝗮𝗯𝗻𝗶 𝗸𝘂 S𝘂𝗻𝘁𝗮𝗻𝗮𝗮!
April 24, 2024 - Written by Editor:

𝗔𝗹𝗹𝗲 Ha,uraxmadee Cabdi Maxamed Jaamac (𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗬𝗮𝗿𝗲) wuxuu dhashay sanadkii 𝟭𝟵𝟲𝟬-kii,  waxaanuu waxbarashadii dugsiga hoose, dhexe iyo sareba uu ku qaatay degmada 𝗕𝘂𝗹𝘅𝗮𝗮𝗿 ee gobolka Saaxil iyo 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮.

𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗬𝗮𝗿𝗲 AHN wuxuu ahaa musishan aqoonta muusiga iyo 𝘀𝗶𝗱𝗮 𝗹𝗼𝗼 𝗾𝗼𝗿𝗼 ka gaadhay heer 𝗷𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱.

Waxa cajiib ahayd isagoo 𝗮𝗾𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮 heerkaas leeg leh, sida aanu u jeclayn muuqashada aan macnaha lahayn iyo isasoo bandhiga xad-dhaafka ah.

𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗬𝗮𝗿𝗲 AHN wuxuu ma mid noqday kooxihii 𝗜𝗳𝘁𝗶𝗻 ee ay lahayd wasaaraddii waxbarahada ee xikigii dawladii milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre iyo kooxdii 𝗗𝗮𝗻𝗮𝗻 ee Hargeysa.

Qorida iyo tumida muusiga waxa AHN 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗬𝗮𝗿𝗲  u dheeree inuu ahaa 𝗻𝗮𝗮𝘅𝗶𝘆𝗮𝗱 sameeye ama 𝗺𝘂𝗹𝗮𝘅𝗮𝗻, heesaha uu laxameedyay, siiba kuwa wadaniga ah waxa ka mida heesta la yidhaa 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗮𝗻𝗱 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮𝘆𝗴𝗮.

Heestaas waxa ereyadeeda lahaa 𝗬𝗶𝘂𝘀𝘂𝗳 𝗦𝗵𝘂𝗴𝗿𝗶, waxaana qaaday AHN fannaankii Maxmed Maxamuud Cige (𝗕𝘂𝗻𝘀𝗶), oo mar ku xigeen ugu ahaa waaxda dhaqanka ugu ahaa AHN 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗬𝗮𝗿𝗲.

Waxa kale oo uu ahaa jilaa ka qayb-qaata ruwaayadaha, waxaana ka mid ahayd kuwii uu kaalinta ku lahaa ruwaayadii la odhan jiray 𝗜𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗮𝗸𝗵𝗶𝗿𝗼, ee uu sameeyay AHN abwaan Cali Diirye Cigaal (𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗚𝗮𝗮𝗯), isagoo matalaayay garsoore maxkamadeed.

𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗬𝗮𝗿𝗲 AHN wuxuu muddo dheer ahaa agaasimaha 𝘄𝗮𝗮𝘅𝗱𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗾𝗮𝗻𝗸𝗮 ee wasaaradda warfaafinta Somaliland, taas oo uu xilkeeda wareejiyay horraantii bishii 𝗙𝗲𝗯𝗲𝗿𝗮𝘂𝗿𝘆 sannadkii 𝟮𝟬𝟭𝟵-kii.

Marxuunku wuxuu muddo dheer la ildarnaa xanuun hayay, kaas oo uu ku samray illa 𝗔𝗹𝗹𝗲 ka oofsaday xalay oo ay taariikhdu ahayd 𝟮𝟰/𝟬𝟰.𝟮𝟬𝟮𝟰

AHN 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗬𝗮𝗿𝗲 waxaanu muddo ka badan 𝟭𝟱 sano ka wadan oo ayaanu ka wada tirsanayn wasaaradda warfaafinta, wuxuu ahaa qof aanan ku arag, kibir, qab iyo isla wayni muddo dheer oo uu madax ahaa iyo mudadii ka dambaysayba

AHN 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗬𝗮𝗿𝗲 saaxiibadiisii ugu dhawaa waxay ku sifeeyeen inuu ahaa 𝗮𝗱𝗱𝗼𝗼𝗻 𝗔𝗹𝗹𝗲 𝗼𝗼 𝘀𝗮𝗺𝗶𝗿, 𝗱𝘂𝗹𝗾𝗮𝗮𝗱, 𝗮𝗾𝗼𝗼𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝗮𝗳-𝗴𝗮𝗮𝗯𝗻𝗶 𝗸𝘂 𝘀𝘂𝗻𝘁𝗮𝗻𝗮𝗮.

Marxuun Cabdi Maxamed Jaamac (𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗬𝗮𝗿𝗲) wuxuu ifka kaga tagay 18 Carruur ah iyo laba xaas.

𝗔𝗹𝗹𝗲 marxuunka ha u raxmado, iilkana neecaw qaboow iyo ha ku siiyo narruuro. Dhammaan intii uu ka baxayna samir iyo iimaan ha ku arsaaqo.

W/Q: Jamaal Macalin

COMMENTS
LINKS