Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Daahfurey CASABLANCA HOTEL Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa Habeenkii Khamiistii Ee Ay Bishu Ahayd 1/8/2013. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Daahfurey CASABLANCA HOTEL Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa Habeenkii Khamiistii Ee Ay Bishu Ahayd 1/8/2013.
August 5, 2013 - Written by editor
Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Daahfurey CASABLANCA HOTEL Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa Habeenkii Khamiistii Ee Ay Bishu Ahayd 1/8/2013.

 

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo isaguna ka hadlay furitaanka Hotelka……..

Munaasibad balaadhan oo casho ah ayaa xadhiga lagaga jaray Hotel Cusub oo ku soo biiray Hotel-lada waaweyn ee magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada koonfurteed ee magaalada Hargeysa.

Hotelkan cusunb oo magaciisu yahay CASABLANCA ayaa waxa Munaasibadan furitaanka Hotel-ka oo ahayd mid casho iyo afur ah ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka mida xukuumada Somaliland,maayar kuxigeenka caasimada Hargeysa,salaadiin uu hor kacayey suldaanka guud ee beelaha Somaliland iyo qurba joog tira badan.

Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa Cabdicasiis Caga weyne waxaanu sheegay inuu soo dhawaynayo hotel-kan cusub ee laga hir geliyey koonfurta magaalada Hargeysa waxaanu yidhi ? waxaanu soo dhawaynaynaa furitaanka Hotel-kan, waxaanan aad ugu faraxsanahay in mid ka mid xafiisyadii ololaha doorashada aan ku galay laga furay Hotel-kan, waxaanan leeyahay mulkiilaha Hotel-kan waxaan noqon doonaa macmiilkaaga koowaad?ayuu yidhi maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka Guddida Doorashooyinka qaranka Cali oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa u hanbalyeeyey furitaanka hotel-ka cusub waxaanu yidhi ? caawa waxa Hotel-kan furtay saaxiibay Maxamed Gadhyare waxaanan ilaahay uga baryayaa inuu ilaahay uga dhigo meel aad u khayr qabta, waana meel aad u wanaagsan oo xaafada laga furayna ay aad ugu baahnayd, ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu ganacsigiisu noqdo mid guulaysta.?ayuu yidhi Cali Kubad.

Xildhibaan Faadumo Cali Madar oo ka mid xildhibaanada Golaha Deegaanka ee dalka Sweden oo iyaduna ka hadashay munaasibadan ayaa si weyn u soo dhawaysay furitaanka Hotel-kan? hotel-kani waa mid casri ah, waxaana hanbalyo u diraynaa mulkiilaha Hotel-kan Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare, mar labaadkana waxaan leeyahay dadka reer Hargeysa inaad aad ugu farxi doontaan Hotel-kan cusub ee idinku soo biiray kaas oo adeeg fiican idin qaban doona, waana mid aad loogu baahnaa? ayey tidhi Xildhibaan Faadumo Cali Madar.

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo isaguna ka hadlay furitaanka Hotel-kan ayaa dhiniciisa soo dhaweyey Hotelkan.

Ugu danbayntii mulkiilaha Hotel-kan cusub ee Casabalanc Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inay hotel-kan u fureen qurba joogta Somaliland iyo dadka degan gudaha wadankaba, waxaanu tilmaamay inuu Hotel-kani u furan yahay cid kasta taas oo lagu soo dhawayn doono, waxaanu si gaara u sheegay inuu Hotel-kani u furan yahay dadka dalxiisayaasha ah ee wadanka ku sugan iyo qurba joogta reer Somaliland ee xiliyada xagaaga yimaada wadanka, kaas oo u shaqayn doona 24-ka saacadoodba.

Xaaji Cabdirkariin Xuseen(Cabdi Waraabe) oo ka hadlay munaasibada lagu furayey Hotel-kan cusub ayaa u duceeyey Hotel-kan iyo mulkiilahaba.

 WAJAALE NEWS / OFFICE
CONTACT US :  WAJALENEWS@gmail.com
COMMENTS
LINKS