R Wajaale:-Suuqa Waaheen Ee Hargeisa Oo Si Wayn Looga Diyaar Garoobayo Munaasibada Ciida Awgeed. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
R Wajaale:-Suuqa Waaheen Ee Hargeisa Oo Si Wayn Looga Diyaar Garoobayo Munaasibada Ciida Awgeed.
July 12, 2015 - Written by Wariye:

suuqaHargeisa(Wajaalenews):-iyadoo lagu jiro tobankii ugu dambeeyay bisha barakhaysan ee ramadaan kariim ayaa waxa si wayn loogu diyaar garoobayaa munaasibada ciidal fidrida oo ay ka hadhsan yihiin maalmo kooban.

qaybaha kala duwan ee ganacsatada suuqa waaheen oo aanu wax ka waydiinay dareenkooda ayaa sheegay inay aad u soo dhawaynayaan bisha barakaysan ee ramadaan kariim aadna ugu faraxsanyihiin.

in kasta oo ay sheegeen inay sanadkan wax badan iska badaleen waxayabahii kala duwanaa ee ay iibin jireen hadana aanay waxa samayna aanay ku yeelan bulshada ku dhaqan magaalada hargeisa.

bulshada ku dhaqan magaalada hargeisa ayaa ah kuwa ku mashquulsan sidii ay uga farxin lahaayeen caruurtooda

in kasta oo ay qaarkaimd ahina ay ku mashquulsan yihiin qurxinta guryahooda sidii ay guryahooda uga badali lahaayeen agabkii hore una keeni lahayeen kuwa cusub.

Halkan Guji Oo Dhagayso

hooyo ku dul ganacsata kaaryoonaha ama gadhi gacanka ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamtay ciidanka policeka oo mar walba dhibaato u gaysanaya dhamaan ganacsatada yar yar ee iibiya alaabaha yar ee caruurtu ku ciyaaran maalmaha ciiida hooyadan oo ku hawlan sidii nololmaamuudkooda uga soo bixi lahayeen.

hooyadan ayaa sharaxaad ka bixinaysa waxa ay tidhi.

 

Abdulkadir Abdulrahman Habane

Magaalada Hargeisa

Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS