Bayern Munich Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Inay Dhamaystirtay Saxiixa Arturo Vidal Oo Ay Juventus Kala Soo Wareegtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bayern Munich Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Inay Dhamaystirtay Saxiixa Arturo Vidal Oo Ay Juventus Kala Soo Wareegtay
July 28, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Kooxda Bayern Munich ayaa ugu danbayn si rasmi ah u dhamaystirtay saxeexa xidigii khadka dhexe ee kooxda Juvnetus ee Arturo Vidal. Xidiga khadka dhexe ee xulka qaranka Chile ee Vidal ayaa kooxda Bayern Munich u saxeexay heshiis kooxda ku sii hayn doona ilaa sanadka 2019 ka. Vidal ayaa kooxda Bayern Munich u qaadan doona maaliyada ama funaanada No.23.

Kadib markii uu si fiican uga gudbay tijaabada caafimaadka Bayern Munich ayuu xidiga heer caalami ee ree Chile ee Vidal uu qalinka iyo warqada isku qaatay si uu kooxdiisa cusub ee Bayern ugu saxeexo heshiis afar sano ah , wuxuuna Vidal waayihiisa ciyaareed ee cusub ka bilaaban doonaa kooxda Pep Guardiola.

Vidal2

Bayern Munich ayaa warka ay ku cadaysay saxeexa Vidal ku soo qortay barteeda twitterka waxayna ku soo qortay:  “King Arturo Vidal 23 waxa uu kooxda u saxeexay ilaa sanadka 2019 ka”. Kooxda Guardiola ayaa Vidal ka dhiganaysa badalkiisa Bastian Schweinsteiger oo ku biiray kooxda Man United.

Bayern Munich ayaa sanadkii 2011 kii isku dayday inay Vidal kala soo wareegto kooxda Bayer Leverkusen laakiin xidigan ayaa markaas ku biiray kooxda Juvnetus oo uu hadda kaga soo biiray Bavaria. Kooxda Allianz Arena ka dhisan ayaa tan iyo xiligaas si gaar ah ula socotay horumarka uu Vidal samaynayay.Bayern ayaa Vidal kula soo wareegtay lacag udhaxaysa 37m-40 milyan oo euro.

Vidal6

Markii uu dhamaystiray heshiiskiisa Bayern Munich ayuu Vidal yidhi: “Waxaan doonayaa inaan kooxda wax ku soo kordhiyo oo aan halkan koobab kula guulaysto, taasina waa riyo iirumawday.Kani waa tartan cusub, waxkasta wanaag ayaan ka rajaynayaa”.

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

 

 

COMMENTS
LINKS