WAJAALE NEWS

Arsenal Oo Wadahadalo Kula Jirta Wakiilka Fernando Llorente Ka Dib Quustii Benzema.

Hargeisa(wajaalenews)-Wakiilka Fernando Llorente ayaa wadahadalo kula jiray Arsenal maalmihii ugu danbeysay sida ay qortay jariirada Talyaaniga ee Tuttosport.

Weeraryahanka reer Spain ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee Juventus, waxaana Gunners iyo sidoo kale kooxaha Real Madrid iyo Barcelona lala xidhiidhinayaa inay u dhaqaaqayaan 30 jirkan.

Wakiilka ciyaaryahanka ayaana haatan la sheegayaa inuu wadahadalo horumar leh kula jiro kooxda Ingariiska ee Arsenal oo raadineysa weeraryahanka ay la tartan geliso Olivier Giroud.

Arsenal ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa weeraryahanka kooxda Real Madrid, laakiin iskudaygoodii koowaad ayaa noqday mid dhicisoobay taasoo Llorente ka dhigi karta fursada kaliya ee Arsenal ku heli karto gooldhaliye cusub xagaagan.

khabiirka kubada cagta Spain Guillem Balague ayaa bogiisa Twitter ku soo qoray maanta: “Ma jirto fursad uu Benzema kaga tagayo Real Madrid xagaagan, sidaasi darteed ma jirto fursad uu ku tago Arsenal.”

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud.

Exit mobile version