Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabahii Ay Qoreen Wargeysyada Kubada Cagta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabahii Ay Qoreen Wargeysyada Kubada Cagta
July 30, 2015 - Written by Editor:

Arsenal ayaa soo diiday dalab 3.5 milyan ginni oo ay Palermo ka soo gudbisay weeraryahan Joel Campbell. Arsenal ayaa ugu yaraan ku dooneysa xiddiga reer Costa Rica 7 milyan ginni kaasoo sidoo kale laga xiiseynayo dalka Spain. (Daily Express)

Tababaraha Manchester United Louis van Gaal ayaa ka quustay saxeexa xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ka dib markii ay Real Madrid u sheegtay in qiimihiisa uu yahay 85 milyan ginni. (The Sun)

Dhanka kale, kooxda Gunners ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo 27 sanno jirka khadka dhexe ee kooxda Barcelona Sergio Busquets. (Daily Express)

Sergio Ramos ayaa ku dhow inuu u saxiixo qandaraas cusub kooxda Real Madrid. Wargeyska Isbaanishka ee Marca ayaa ku waramaya in heshiis dhanka afka ah la isku raacay iyadoo daafaca dhexe uu sii joogayo Bernabeu ilaa iyo 2020, xilli lala xiriirinayay xagaagan oo dhan kooxda Man United. (Marca)

Chelsea ayaa dalab cusub ka gudbin doonta John Stones ka dib markii ay Everton ay ka soo diiday dalabkii labaad ee 26 milyan ginni, laakiin Manchester City ayaa diyaar u ah inay soo gasho tartanka daafaca reer England. (Daily Mirror)

Swansea ayaa 25 milyan ginni dul saartay kabtankeeda Ashley Williams si ay meesha uga saarto xiisaha kooxaha kale ee Premier League. (Daily Mirror)

Ashley Young ayaa wadahadalo la bilaabaya kooxda Manchester United oo ku aadan qandaraas cusub. (Daily Star)

Xiddiga Chelsea Mohamed Salah ayaa ka tagay Italy ka hor inta uuna ku biirin kooxda Roma heshiis amaah ah marka hore. (Daily Star)

Arsenal ayaa dhameystirtay saxeexa 16 jirka hibada u leh kubada cagta ee weerarka ka ciyaara Donyell Malen kaasoo ay kala soo wareegeen kooxda Ajax. ( Daily Mail)

 

COMMENTS
LINKS