Ayaamahii Balotelli Ee Liverpool Oo Soo Dhamaaday – Brendan Rodgers Oo Fariin Cad U Diray Xiddiga Lagu Hungoobay Ee Talyaaniga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ayaamahii Balotelli Ee Liverpool Oo Soo Dhamaaday – Brendan Rodgers Oo Fariin Cad U Diray Xiddiga Lagu Hungoobay Ee Talyaaniga.
July 31, 2015 - Written by Editor:

hargeisa(wajaalenews)-Waayihii Mario Balotelli ee Liverpool ayaa soo dhamaaday.

Xiddiga Talyaaniga ayaa fariin cad oo xanuun badan ka helay xalayto tababare Brendan Rodgers markii laga saaray labada kooxood ee Liverpool ee ciyaari doona kulamada ugu danbeeya ee ay isagu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub.

Rodgers ayaa xushay koox xoogan oo u safreysa isbuuc dhamaadka dalka Finland halkaasoo ay Reds ku wajaheyso kooxda HJK Helsinki iyadoo ay tahay kulankoodii ugu danbeeyay ee xilli ciyaareedka ka hor.

Philippe Coutinho ayaa ku soo laaban doona garoomada, halka saxiixyada cusub ee xagaaga Nathaniel Clyne, Joe Gomez, Danny Ings, James Milner iyo Divock Origi la filayo inay dhamaantood ciyaaraan.

Balotelli lama fileynin inuu qeyb ka noqdo safarka ay kooxda ku tageyso Finland ka dib markii sidoo kale laga reebay safarkii ay kooxda ku tagtay Australia iyo Malaysia, laakiin lama filaanka ugu weyn ayaa ahaa in sidoo kale laga saaray kulan iska yar oo ay la ciyaarayaan axada kooxda heerka hoose ee Swindon.

Liverpool ayaa dooratay ciyaartoydooda keydka inay ku ciyaarsiiyaan garoonka County Ground axada, Rodgers ayaana go’aansan doona haddii uu ciyaarsiinayo saxiixyadiisii ugu danbeysay Roberto Firmino iyo Christian Benteke kulanka axada.

Labada ciyaaryahan ayaa kooxda tababar la qaatay kaliya hal isbuuc, laakiin tababaraha Liverpool ayaa sugi doona ilaa iyo tababarka ugu danbeeya ee berri oo sabti ah inuu go’aansado haddii uu labadaan xiddig siinayo waqti ay ku ciyaaraan.

Laakiin waxa uu go’aan kama danbeys ah ka gaaray Balotelli, fariintana waa mid cad, iyadoo xiddiga Talyaaniga ay doonayaan kooxaha Lazio, Fiorentina, Bologna iyo Galatasaray.

wariye abuu maxfuud

COMMENTS
LINKS