Arsenal Oo ka Guuleysatay Chelsea iyo Wenger Oo Markii Ugu Horeysay Garacay Mourinho. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arsenal Oo ka Guuleysatay Chelsea iyo Wenger Oo Markii Ugu Horeysay Garacay Mourinho.
August 2, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Kooxda Arsenal ayaa maanta garaacday kooxda dhigeeda ah ee Chelsea iyadoo sanadkii labaad oo xidhiidh ah ku guulaystay koobka Community Shield-ka ciyaartan oo ka dhacday garoonka xulka qaranka England ee wembley stadium.

ar Mou-v-wenger

Dhanka kale macalinka kooxda arsenal ee Arsene Wenger ayaa soo gabagabeeyey hadaladii ay dhibtu ka haystay ee ahayd in Wenger aanu waligii ka badin macalinka kooxda Chelsea ee Mourinho taasoo manta uu soo gabagabeeyey kulankan oo in badan la wada sugeyey taasoo ay ku dheehnaayeen dhacdooyin faro badan oo ay ka mid yihiin wenger oo aan waligii ka badin Mourinho iyo gool wadaha cusub ee Arsenal ee uga yimid kooxda Chelsea oo kooxda Arsenal u ciyaaray saddex ciyaarood oo kaliya isagoo saddexdaa ciyaarood qaaday saddex koob taasoo noqonaysa wax cajiib ah dhinaca kale kooxda Arsenal ayaad moodaa in ay soo gabagabaysay koob la’aantii inta badan haysatay waxaana kooxda Arsenal dhaawac kaga maqnaa laacibkooda khadka dhexe ee Jack Wilshere halka Chelsea uu dhaawac kaga maqnaa laacibkooda afka hore ee Diego Costa.

ar.........

Wenger ayaa beeniyey riyadii Mourinho ee ahayd in uu sii wato rekoodhka balse wenger ayaa manta beeniyey riyadaa mourinho, iyadoo ay ciyaartu ku dhamaatay 1:0 iyadoo uu goolka u dhaliyey alex oxlade –chamberlain wuxuuna kulanku ku bilawday xamaasad iyo rabitaan wayn oo labada dhinac ah.Waxaa kulankan xiiso iyo xamaasad gaar ah u sii yeelay hadalo ay is dhaafsadeen Mourinho iyo Wenger taas oo xaalada cirka ku sii shareertay.

Daqiiqadii 9 aad ayay Chelsea ku dacwootay inay rekoodhe heshay kadib markii uu Fabregas oo xerada ganaaxa Arsenal ku jiray uu cadaadis kala kulmay Mertesacker, wuxuuna xidigii hore ee Arsenal ee Fabregas xerada ganaaxa Arsenal sii jiifay muddo balse garsooraha kluankan ee A. Taylor ayaan wax redhooke ah tilmamin taas oo Mourinho ka cadhaysiisay.

Arsenal ayaa markii ay ciyaartu maraysay 15 daqiiqo bilawday inay ciyaarta isbadal ka samayso, waxayna markeeda bilawday inay ciyaarto kubbada qurux badan oo weerar deg deg ah ku dhisan iyada oo Walcott iyo Alex Oxlade-Chamberlain ay dhibaato difaaca Blues kaga abuureen labada baalood ee weerarka.

ar.....goal

Daqiiqadii 24 aad ayay Arsenal heshay fursada ay kula timid goolka furtaanka kulankan, waxaana gool qurux badan kooxdiisa Gunners udhaliyay  Alex Oxlade-Chamberlain kaas oo si fiican kubbada uga habaystay Azpilicueta ka hor intii aanu kubbad gantaal ah shabaqa Blues ku hubsan, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Arsenal hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Ciyaaryaahnka Theo Walcott ayaa lahaa caawinta goolka uu Alex Oxlade-Chamberlain udhaliyay Arsenal.Chelsea ayaa markii goolka lagaga hor maray isla markiiba bilawday inay markeeda weeraro isdaba joog ah ku qaado difaaca iyo goolka Arsenal, waxaana fursado fiican helay Ramirez balse fursadihiisa ayaan wax halis badan ku abuurin Petr Cech. Laakiin Arsenal ayaa markii ay goolka heshay qorshaheeda ciyaareed badashay waxayna bilawday inay difaaca soo raacato marka ay Chelsea weerarka soo gasho halka marka ay kubbada hesho ay weerar deg deg ah soo qaadayeen Walcott iyo Alex Oxlade-Chamberlain oo dhibta ugu wayn ku ahaa difaaca Blues.Fursadaha ay Arsenal heshay marar dhawr ah u muuqday inay helayso goolka labaad balse ugu danbayn qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Arsenal hogaaka ciyaarta ku haysay.

ar....theo

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Mourinho shaxdiisa isbadal ku sameeyay isaga oo ciyaarta soo galiyay Radamel Falcao halka uu badal ku saaray Loic Remy. Falcao ayaana kulankiisii ugu horeeyay ee tartan ah u saftay Blues.

Ciyaarta ayaa qaybta danbe ku bilaabantay qaab gaabis ah iyada oo Arsenal inta badan difaac ku bilaabatay,laakiin Chelsea ayaa dagaal ugu jirtay sidii ay goolka barbaraha ula iman lahayd. Blues ayaa fursad gool loo fishay heshay daqiiqadii 61 aad markaas oo uu Eden Hazard kubbad hal-ka hal ah uu Cech kula soo baxay kadib markii uu kubbad aan caadi ahayn ka helay Fabregas, laakiin difaaca Gunners ayaa ka soo kabsaday kubbada uu Hazard darbeeyay ayaana goolka dul martay.

ar.....

Daqiiqadii 68 aad Blues ayaa loo dhigay kubbad laaga xorta ah, waxaana darbo halis ah safka difaaca Gunners ka duqaaday Oscar balse waxaa darbada Oscar si fiican u badbaadiyay goolhaye Cech oo si fiican u fahmayay qaabka uu Oscar laaga xorta ah utuuro.

Jamaahirta Blues ayaa madax qabsaday markii uu Cech badbaadinta fiican sameeyay, jawaabtuna waxay ahayd mid iska cad. Chelsea ayaa qaybta danbe oo dhan weerar ku jirtay laakiin difaaca Arsenal ayaa fursad kasta ka beeniyay, laakiin dhamaadkii ciyaarta ayay Arsenal hehsay fursad gool loo fishay kadib markii Gibbs kubbad aan cajiib ah uu ka helay Cazorla uu la hortagay goolwadaha Chelsea balse muu dhalin sidaas ayeyna aciyaartii ku soo gabagabooday oo ay guushu ku raacday kooxda Arsenal.

ar.........

Wariye Abuu Maxfuud

COMMENTS
LINKS