Mourinho Oo Tuuray Biladii Community Shieldka Iyo Cadhadii Uu Ka Qaaday Wenger. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mourinho Oo Tuuray Biladii Community Shieldka Iyo Cadhadii Uu Ka Qaaday Wenger.
August 2, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Macalinka kooxda Chelsea ee Jose Mourinho ayaa markii ugu horaysay dhadhamiyay xanuunka ay leedahay in Wenger uu markii ugu horaysay diiwanka ku qortay guushiisa, wuxuuna tababaraha ree Porutgal uu si cadho leh u tuuray biladiisii Community Shieldka wuxuuna ku tilmaamay inay tahay biladii guuldaraystaha.Mourinho iyo Wenger ayaan markii ay ciyaartu dhamaaday isgacan qaadin laakiin Mourinho ayaa sifiican salaanta ula dhex qaaday ciyaartoyda Gunners.

Arsenal ayaa gool kaliya oo uu Alex Oxlade-Chamberlain udhaliyay ku qaaday Community Shieldka oo ay markii labaad oo xidhiidh ah ku guulaysatay, laakiin Mourinho ayaa taarabuunka ku tuuray bilada Community Shield, wuxuuna garoonka kaga baxay isaga oo si cadho leh u talaabsanaya.

arrrrrrrr

Mourinho ayaa isaga oo ka hadlaya sababta uu bilada u tuuray yidhi: “Waa biladii guuldaraystaha, xusuus fiican ayay u tahay Wenger”. Mourinho ayaa sidan u sheegay BT Sport. Mourinho ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Chelsea ayaa ahayd kooxda ugu fiican, anaga ayaa hal abuurka lahayn, ciyaarta maamulnay sidoo kalena boosishanka lahayn. Kooxdii fiicnayd ayaa guuldaraysatay, kooxdii difaaca gashayna way guulaysatay”.Halkan ka daawo muuqalka markii uu Mourinho tuuray bilada Community Shielkda.

ar Mou-v-wenger

Mourinho ayaa Arsenal ugu hambalyeeyay inay difaac fiican galeen, wuxuuna sheegay in kooxi ay ciyaartay weerar deg deg ah wuxuuna intaa raaciyay in Gunners ay difaac ku gashay 10 ciyaartoy wuxuuna yidhi: “Arsenal waxay ku difaacatay tiro badan oo difaac ah, waxay ku difaacdeen 10 nin, waxay qofkasta soo dhigeen safkooda hore iyaga oo si fiican u haybaysnaa, sidaa daraadeed waan uhambalyaynaya iyaga”.

arrr2

 

“Koox ayaa kubbad fiican oo weerar deg deg ah ciyaartay, kooxina waxay ciyaartay kubbad hal abuurleh iyada oo aan lahayn weerarkii deg dega ahaa, kooxdu farsamo ahaan wax kasta way isku dayday.

Mourinho oo ka hadlaya guuldaradii ugu horaysay ee Wenger ka soo gaadhay ayaa yidhi: “Anigu waligay maan haysan faa’iido maskax ahaan ah, wixii hore u soo dhacay maha wax caadi ah, sababtoo ah waxayna caadi u ahayn anigu waligay dareen taas kamaan bixin.Anigu waxligayba waxaan ka fikiri jiray in hal kulan uu yahay hal kulan, kulamada kalena wax xidhiidh ah lama laha. 13 kulan waa mid aan dhamaad lahayn, waligeed may ahayn su’aal ah in qof aanu qof kale garaaci karin, ama qof aanu qof kale guuldaro kala kulmin”.

ar444444444444444ar444444444444444

Wariye Abuu Maxfuud

COMMENTS
LINKS