FA-ga Ingriiska Oo Soo Saaray Xeerar Cusub Oo Ku Aadan Offside-ka iyo bilowga 2015/2016. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
FA-ga Ingriiska Oo Soo Saaray Xeerar Cusub Oo Ku Aadan Offside-ka iyo bilowga 2015/2016.
August 4, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Xeerkan cusub ee ay soo saareen FA-ga ingriisku Ka hor bilow xili ciyaaredka cusub ee 2015/2016 oo lagu dhaqmi doono marka ay bilaabmaan ciyaaruhu.

Xeerkan oo wax ka bedal lagu sameeyey Offside-ka xeerkan cusub ayaa waxa uu wax ka badalidoonaa xeerkii hore loogu dhaqmi jiray Offside-ka xeerkan ayaa xaaraan ka dhigaya goolal badan oo sanadkii hore ee dhamaaday lagu dhaliyey goolal badan laakiin manta wixii ka danbeeya ma dhacayso in ay goolal noqdan.

Xeeraka cusub ayaa odhanaya “Hadii ciyaariyahan uu kubada ku laado goolka, oo uu saaxiibkii ku jiro dilinta( offside) oo uuna taaban in ay tahay khalad xataa hadii uu goolkaasi dhasho lama ogolaan doono”.

Markii hore xeerku waxa uu ahaa hadii ciyaaryahaanku uu ku laado goolka oo uu sxbkii ku jiro offside-ka oo aanu taaban in ay tahay gool, laakiin manta wixii ka danbeeya ma shaqayn doono oo xeerkan cusub yaa diidaya sxbkaa kubada ha taabto ama yaanu taabanin ee mar hadii ka danbeeyo daafaca kooxda kale kubadaasi lama ogolaan doono xataa hadii ay dhalato.

Qawaaniintaan cusub ayaa loo gudbiyay saraakiisha waxaan lagu yiri warbixinti loogu gudbinayay “Hadii ciyaariyahan uu ku jiro xerada ganaaxa waa lagu ciqaabi doona haduu kubada taabto ama uusan taaban hadiiba uu saameyn muuqato ku yeelan karo kubada ama qofka kazoo horjeedo”.

War kaan ayaa la macno ah in hadii ciyariyahan uu ku jiro xerada ganaaxa ama uu awood u leeyahay inuu helo kubad loo baasay isagoo ka horeeyay daafacyada koxoda ka soo horjeeda inuu la kulmi doono ciqaab ah in kabadaasi laga dhigo.

Garsooreyaasha ayaa soo dhaweeyey xeerkan cusub kuna sheegay in uu ka caawin doono goolal badan oo muran ka dhalan jiray isla markaana ay u fududayn doonto in ay si fiican uga go’aan qaataan wixii goolal ah ee dhasha markaa waxa ay noqonaysaa in ciyaar yahanadu ay ka baxaa offside-ka marka uu sxbkood kubadda ku laadayo goolka kubad kasta oo lagu laago goolka hadii uu sxbkaa ka danbeeyo daafaca kooxda kale waa khalad waana la diidi doonaa xataa hadii uu dhasho.

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

COMMENTS
LINKS