Kooxda Lacagtii ugu Badnayd La Gashay Suuqa Kala iibsiga Ciyaartoyada Ee Dalka Engiriiska iyo Xidiga ilaa Hadda ugu Qiimaha Sareeya?. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda Lacagtii ugu Badnayd La Gashay Suuqa Kala iibsiga Ciyaartoyada Ee Dalka Engiriiska iyo Xidiga ilaa Hadda ugu Qiimaha Sareeya?.
August 4, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Bal aynu wada eegno kooxaha ka jira dalka England ee sandka cusub ee 2015/2016 ee imika bishan gudaheeda bilaamaya iyadoo sanad kasta markuu bilaabmayo ay kooxuhu la soo galaan lacago faro badan si ay u helaan ciyaaryahano tayo leh oo fiican ayeynu eegi doonaa bal sida ay kooxuhu u kharsh gareeyeen suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada.

Waxaan soo saartay qiimayntan Jariirada Ingiriiska ka soo baxda ee Dailymail waxayna sheegtay koox kastaaba lacagta ay kula soo wareegtay ciyaartoyda ay xagaaga suuqa kala soo wareegtay waxaananu halkan idiinku soo gudbinaynaa warbixintaas oo aanu idiin soo turjunay.

Bal aynu wada eegno:-

CHELSEA:-

Kooxda horyaalka difaacanysa ee Chelsea ayaa suuqa ilaa hadda kala soo wareegtay laba ciyaartoy oo kala ah goolhaye Asmir Begovic oo ay Stoke City kala soo wareegtay iyo Radamel Falcao oo ay kooxda Monaco amaah kaga soo qaadatay.

  1. Asmir Begovic (Stoke – £8m)  Goolyaha xulka qaran Bosnia oo 28 jir ah.

Qiimaha lacagta : 8/10…………… Heerka qiimaha.

  1. Radamel Falcao (Monaco – £4m amaah)      xulka qaranka Colombia.

Qiimaha lacagta: 4/10……………….. Heerka qiimaha

Qiimaha guud ee ay Chelsea suuqa ku bixisay: £12 Milyan oo gini

MANCHESTER CITY 

Raheem Sterling (Liverpool – £49m)     Xulka qaranka England oo 20 jir ah.

Qiimaha Lacagta: 6/10……………….. Heerka qiimaha.

Fabian Delph (Aston Villa – £8m)       xulka qaranka England oo 25 jir ah.

Qiimaha Lacagta: 7/10…………………. Heerka qiimaha.

Enes Unal (Bursaspor – £2m)

Qiimaha Lacagta: 7/10

Manchester City ayaa  £500,000 kun oo gini oo kaliya kula soo wareegtay Enes Unal  kaas oo horumar layaableh ku sameeyay Turkiga, waxayna lacagtiisu gaadhi kartaa 2 milyan oo gini. Man City ayaa xidigan ku garaacday kooxaha Chelsea, Arsenal iyo Man United, waxaana yaab ah in Unal uu 110 kulan ku dhaliyay 182 gool!!!!. Heerka qiimaha lacagta ay City ka soo bixisay City Unal ayaa ah 7/10.

Patrick Roberts – (Fulham- £12m)

Qiimaha lacagta: ?

Qiimaha guud ee ay Man City suuqa ku bixisay: £71 Milyan oo gini

ARSENAL :-

Petr Cech (Chelsea – £11m)          xulka qaranka Czech Republic oo 33 jir ah.

Qiimaha lacagta: 9/10…………………… Heerka qiimaha.

Arsene Wenger oo markii ugu horaysay ka guulaysto Jose Mourinho isla markaana uu Petr Cech door wayn ku lahaa in Gunners ku guulaysto Community Shieldka oo ay Chelsea ku garaacday ayaa si wayn  sare ugu qaaday qiimaha Cech. Cech ayaa haddaba cadeeyay inuu ka fiican yahay ciyaartoy lagula soo wareego 11 milyan oo kaliya, wuxuuna 33 jirkani haddaba uu galay qalbiga jamaahiirta Arsenal.

Qiimaha guud ee ay Arsenal suuqa ku bixisay: £11 Milyan oo gini

MANCHESTER UNITED:

  1. Memphis Depay (PSV Eindhoven – £25m)       xulka qaranka Netherlands oo 21 jir ah.

 Qiimaha lacagta: 7/10…………… Heerka qiimaha.

  1. Bastian Schweinsteiger (Bayern Munich £15m)     xulka qaranka Germany

Qiimaha lacagta: 5/10………………… Heerka qiimaha.

  1. Morgan Schneiderlin (Southampton – £25m)

Qiimaha lacagta: 7/10……………….. Heerka qiimaha.

4 .Matteo Darmian (Torino – £12.7m)

Qiimaha lacagta: 6/10……………… Heerka qiimaha.

Laakiin Man United ayaa hal gini ku bixin saxiixa goolhayaha xulka qaranka Argentina ee Sergio Romero kaas oo ay kula soo wareegtay si xor ah oo bilaa lacagta ah taas oo qiimaha uu kooxda ugu soo biiray ka dhigaysa inuu ka heer fiican yahay ciyaartoy ay Man United lacag kula soo wareegtay.

  1. Sergio Romero (bilaa koox ayuu ahaa si xor ahna Man United ayuu ugu soo biiray)

Qiimaha uu kooxda ugu soo biiray: 8/10……………. Heerka qiimaha.

Qiimaha guud ee ay Man United suuqa ku bixisay: £78 Milyan oo gini

LIVERPOOL :-

  1. Christian Benteke (Aston Villa – £32.5m) 

Qiimaha lacagta: 6/10…………….. Heerka lacagta.

  1. Roberto Firmino (Hoffenheim – £29m)  xulka qaranka Brazil.

Qiimaha Lacagta: 6/10…………. Heerka qiimaha.

  1. Nathaniel Clyne (Southampton – £12.5m)

Qiimaha lacagta : 8/10…………….. Heerka qiimaha.

  1. Joe Gomez (Charlton – £3.5m)

Qiimaha lacagta: 8/10……………… Heerka qiimaha.

  1. James Milner (Man City – si xor ah oo bilaa lacag ah)

Qiimaha uu kooxda ugu fadhiyo: 8/10

  1. Danny Ings (Burnley – magdhaw) 

Qiimaha lacagta: 7/10……………………. Heerka lacagta.

  1. Adam Bogdan (Bolton – free) 

Qiimaha lacagta: 5/10……………………. Heerka lacagta.

Qiimaha guud ee ay Liverpool suuqa ku bixisay: 86 Milyan oo gini

Wariye Abuu Maxfuud.

COMMENTS
LINKS