Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Wargeysyada Ay Ka Qoreen Suuqa Kale Iibsiga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Wargeysyada Ay Ka Qoreen Suuqa Kale Iibsiga.
August 7, 2015 - Written by Editor:

 

Hargeisa(wajaalenews)-Sergio Ramos ayaa diiday inuu aqbalo dalab €8.5 milyan oo euro ah oo ay koxoda Madrdi u soo bandhigtay si uu u kordhiyo qandaraaska uu kula jiray kooxdiisa Real Madrid wuxuuna u sheegay kooxda inuu doonayo €10 milyan oo euro sanadkii, heshiiska uu haatan kooxdiisa kula jiro ayaa dhacaya 2017 (Cadena SER).

Manuel Pellegrini ayaa hal sano heshiiskiisa ugu kordhiyay kooxdiisa Manchester City si uu u soo gabagabeeyo warar badan oo xan ah kooxdaani la xiriirinayay macalinka Bayern Munich ee Pep Guardiola (Sky Sports).

Mustaqbalka David De Gea ee Old Trafford ayaa ku dhaw inuu soo afmeermo kadib markii macalin Van Gaal uu sheegay in xaalada xiyaariyahanka aysan fadhin sidaasi darteedna uusan ciyaari doonin kulanka beri xili ciyariyahanka si weyn loola xiriirinayo Real Madrid (Marca).

Arsene Wenger ayaa diiday inuu meesha ka saro iney la soo wareegayaan xidiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema xili si weyn xidiga loola xiriirinayo inuu u soo dhaqaaqayo London (Daily Star).

Mario Bollatelli ayaa iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa koxoda carbeed ee Al-ahli oo dooneysay iney la soo wareegto xidiga ku hungoobay Anfield wuxuuna sheegay inuu la sii joogi doono Reds una dagaalami doono booskiisa (Daily Express).

Chelsea ayaa dalab u gudbisay Atletico Madrid oo ay ka doonayaan xidiga khadka dhexe ee koxodaasi  Koke, waxaana la sheegayaa in kooxda heysata horyaalka premier league ay ka gudbisay ciyaariyahanka dalab gaaraya £45 milyan oo pound, sidoo kale Bayern Munich ayaa dalab isla lacagtaasi ah ka gudbisay ciyaariyahanka laakin Atletico ayaa soo diiday labada dalab ( Sport Witness +Marca)

Emmanuel Adebayor ayaana ku biiri doonin kooxda Aston Villa kadib markii Tim Sherwood sheegay iney ciyaariyahanka la hadleen laakin la isku afgarn waayay wax hehsiis ah (Goal).

Aston Villa iyo Tottenham ayaa weyn doona adeega xidiga garabka ka ciyaara ee Ashley Young kaasoo manata kooxdiisa u saxiixay qandaraas cusub o uu Old Trafford ku sii joogayo ilaa sanada 2018 (Daily Star).

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud.

COMMENTS
LINKS