Premier League Oo Bilaabmay iyo Manchester United Oo Guul Nasiib Ah Ka Gaadhay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Premier League Oo Bilaabmay iyo Manchester United Oo Guul Nasiib Ah Ka Gaadhay.
August 8, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Maanta oo ah sabti bishuna tahay 08/08/2015 ayuu bilaabmay premier league ee dalka ingiriisku kaasoo ay manta wada ciyaareen labada kooxeed ee Manchester United iyo tottenham taasoo ahayd ciyaar aad u macaan aadna loo wada sugaayey tottenham oo marti u ahayd kooxda Manchester united.

man

Macalinka kooxda Manchester United ayaa kulankaan ku soo bilaabay inta badan saxiixyadiisa cusub ee xagaaga iyadoo Darmain, Schneiderlin, Memphis Depay ay ku soo bilowdeen. Dhanka goolka tababare LVG ayaa ka dhabeeyay balanqaadkiisa ahaa inuu kooxda ka saarayo David de Gea waxaana booskiisa buuxiyay Sergio Romero oo xagaagan kooxda si xor ah ugu soo biiray ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa Sampdoria.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dardar leh, kooxda Tottenham ayaana aheyd kooxdii heshay fursadii ugu horeysay ee ciyaarta markii ay socotay shan daqiiqo iyadoo Harry Kane uu ciyaaray kubad caqli ku dhisan waxaana uu kubada u dhex bixiyay Christian Ereksen oo goolka u furnaa laakiin kubadii uu isyiri ka dulqaad goolhaye Romero ayaa dusha ay kaga dhacday shabaqa. Man United ayaana u muuqatay mid u nugul kubadaha rogaalka celiska ee Tottenham.

man2

Daqiiqadii 21aad ayay Manchester United ciyaarta hogaanka u qabatay ka dib markii ay ka faa’ideysteen qalad uu sameeyay Nabil Bentaleb kaasoo kubad dhiibtay, waxaana ay keentay in Man United ay durbadiiba kubad rogaal celis ah qaado iyadoo Mata uu baas degdeg ah u dhiibay Ashley Young kaasoo isna karoos joog hoose u soo dhigay Wayne Rooney oo goolka hortaagnaa, laakiin Kyle Walker oo damacsanaa inuu Rooney uu kubada ka difaacdo ayaa kubada ku taabtay shabaqa. Goolkii ugu horeysay xilli ciyaareedka Premier League ayaana noqday gool la iska dhaliyay.

Waxaana ay qeybtii hore ee ciyaarta ay ku soo idlaatay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay Man United, iyadoo bilowgii ay carcar aheyd kooxda Tottenham halka qeybihii danbe ay United ciyaarteeda soo hagaagtay iyadoo Memphis Depay uu ismuujiyay qeybtii hore.

Man schw

Tababare Louis van Gaal ayaana bedel ku soo geliyay Bastian Schwenstieger kaasoo fursad loo siiyay inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeysay ee rasmi ah ee Manchester United, waxaana uu daqiiqadii 60aad bedelay Michael Carrick isagoo sacab weyn ka helay jamaahiirta Old Trafford.

Xiddiga khadka dhexe ee Jarmalka ayaa durbadiiba saameyn ku yeeshay isagoo qeyb libaax leh ka qaatay fursad ay United abuurtay daqiiqadii 64aad markii uu baas dheer soo dhigay, waxaana fursada badbaadiyay goolhaye Vorm oo si ciriiri ah ku qabtay darbadii ugu danbeysay ee ka soo baxday Ashley Young.

Schweinsteiger ayaana lagu soo dhaweeyay Premier League markii calaamada hurdiga loo taagay isagoo qalad ku galay Nacer Chadli daqiiqadii 68aad ee ciyaarta.

 

Daqiiqadii 73aad ayaa Wayne Rooney waxaa ka halowday fursad uu ku dhalin lahaa gool qurxoon oo uu la mid ah kii uu ka dhaliyay Manchester City oo kale ka dib markii uu karoos fiican ka helay Darmain laakiin dabalkii uu damcay inuu sameeyo ma noqonin sidii la rabay. Laakiin soo gelitaankii Schweinsteiger ayaa wax ka bedelay ciyaarta khadka dhexe ee Man United isagoo la wareegay koontaroolka baasaska ciyaarta.

Tottenham ayaa cadaadis saartay Manchester United shantii daqiiqo ee ugu danbeysay ciyaarta iyadoo goolhaye Sergio Romero lagu qasbay inuu labo badbaadin oo isku xigta sameeyo, isagoo kubad madax aheyd oo ka timid Hary Kane kuna sii dhacday Smalling uu badbaadiyay ka dibna uu kubad darbo toos ah ka beeniyay Christian Eriksen.

Waxaana ay ciyaarta ku soo idlaatay 1-0  oo ay guusha ku raacday kooxda Manchester United, kuwaasoo guul ku bilowday xilli ciyaareedka horyaalka Premier League, islamarkaana tababare Louis van Gaal uu fursad u helay inuu dhandhansiiyo xiddigihiisa cusub oo dhan kulankoodii ugu horeysay ee Premier League.

Hargesia Office

Wariye Abuu Maxfuud.

COMMENTS
LINKS