Arsenal Oo Galabta Gaadhay Guushii Ugu Horeysay Ee Horyaalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arsenal Oo Galabta Gaadhay Guushii Ugu Horeysay Ee Horyaalka.
August 16, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Tababare Arsene Wenger ayaa hal bedel ku sameeyay shaxdiisa kulankii isbuucii hore iyadoo xiddiga reer Chile Alexis Sanchez uu ku soo bilowday halka Alex Oxlade-Chamberlain uu kursiga keydka galay.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xamaasad leh iyadoo Arsenal ay u muuqatay mid firfircoon islamarkaana xilli hore gool raadineysay, laakiin kooxda martida loo ahaa ayaa muujisay iska caabin islamarkaana soo bandhigtay kubad qurxoon oo qaaday xamaasaday taageerayaashooda.

A G

Kooxda Gunners ayaana hogaanka ciyaarta u qabatay bartamihii qeybta hore ee ciyaarta markii karoos fiican oo macaan uu soo dhigay uu si qurux badan u dhameystiraya Oliver Giroud kaasoo dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka.

Laakiin Palace ayaan ku niyadjabin goolkaas waxaana ay bilaabeen inay kubada la qeybsadaan Arsenal ilaa iyo Ward ay ciyaartoyda Arsenal siiyeen fursad iyo boos uu kubad ku qaabeysto isagoo kubad 25 yard ah oo dhulka ku socota ka dhaliyay Petr Cech.

A C

Labada kooxood ayaana fursado fiican helay goolkaas ka dib iyadoo ciyaarta ay noqotay weerar iyo weerar celin, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah iyadoo taageerayaasha garoonka Selhurst Park ay afka labadiisa qeylinayeen.

Bilowgii qeybta labaad Palace ayaa ka naxsatay Arsenal markii karoos uu soo dhigay Wilfried Zaha uu Wickham isyiri ku taabo shabaqa laakiin waxaa ka soo beenisay birta. Arsenal ayaa sidoo kale nasiib ku laheyd in Coquelin uu garoonka ku sii jiro isagoo dhowr qalad sameeyay xilli uu calaamad hurdi ah hore u qabay.

Arsenal ayaa hogaanka ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii 54aad markii karoos uu soo qaaday Hector Bellerin uu madaxa la helay Alexis Sanchez kaasoo ka dul kacay Ward, waxaana kubada shabaqa ku sii taabtay Daafaca kooxda Crystal Palace Damien Dalaney, kaasoo loo qoray inuu goolka isaga iska dhaliyay, waxaana ay ciyaarta noqotay 2-1 oo ay Gunners hogaanka ku heysay.

A A

Waxaa xusid mudan in kabtan ku xigeenka Palace Delaney inuu sidoo kale mas’uul ka ahaa goolkii ugu danbeeyay ee ay iska dhaliyo Crystal Palace isagoo shabaqa iska soo taabtay kulankii bishii May 2014 ee ay la ciyaarayeen Liverpool.

Arsene Wenger ayaana sameeyay bedel ay taageerayaashiisa ka sugayeen iyadoo Francis Coquelin uu qaatay digniintii ugu danbeysay, waxaana uu ku bedelay Chamberlain, iyadoo markii Coquelin uu garoonka ka baxayay ay ku ooriyeen taageerayaasha Palace halka tababare Alan Pardew uu isna madaxa lulayay isagoo qabay inay aheyd in xilli hore casaan la siiyo.

Kooxda Crystal Palace ayaana qeybihii danbe ee ciyaarta aheyd mid cadaadis saartay Arsenal iyagoo weeraro isdaba joog ah ku qaadayay goolka uu waardiyaha ka yahay Petr Cech waxaana ay raadinayeen goolka barbaraha. Laakiin Arsenal ayaa mararka qaar qaadeysay kubado rogaal celis ah iyadoo goolhayaha Palace uu kubad halis aheyd lugta kaga badbaadiyay daqiiqadii 90aad Santi Cazorla.

Daqiiqadii 3aad ee seddex daqiiqo oo ciyaarta lagu daray Alex Oxlade-Chamberlain ayaa kubad ku hor helay goolhayaha laakiin fursadiisa waa la badbaadiyay.

A T

Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay koxoda Arsenal, waana natiijo la mid ah tii ay ku gaareen garoonkooda xilli ciyaareedkii hore, iyadoo kooxda Arsenal ay xaqiijisatay guusheedii ugu horeysya ee xilli ciyaareedka iyagoo ka soo kabsaday guuldaradii isbuucii hore ka soo gaartay West Ham.

Hargeisa office

Wariye abuu maxfuud

COMMENTS
LINKS