Manchester City Oo Garaacday Chelsea iyo Manchester City Oo Soo Bandhigtay Qaab Ciyaareedkii Ugu Fiicnaa Abid. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Manchester City Oo Garaacday Chelsea iyo Manchester City Oo Soo Bandhigtay Qaab Ciyaareedkii Ugu Fiicnaa Abid.
August 16, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Kooxaha Manchester City iyo Chelsea ayaa kulankii ugu horeeyay ee ay iskaga hor yimaadaan wakhti ciyaareedkan cusub manta fooda isku daray garoonka kooxda Man City ee Etihad Stadium Chelsea ayaa raadinaysay guusheedii ugu horaysay ee xili ciyaareedka cusub halka ay City ka doonaysay inay sii joogtayso qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay xili ciyaareedka cusub ku bilaabatay.

Manchester City ayaa daqiiqadii labaad ee ciyaartaba heshay fursadeeda ugu horaysay, waxaana isku xidh fiican sameeyay David Silva iyo Sergio Aguero, waxaana fursada abuuray Silva halka Aguero uu kooxdiisa fursada uga faa’iidayn kari waayay.

M Aguero-and-Begovic

Man City ayaa u muuqatay inay ciyaarta kalsooni badan ay ku bilaabatay waxayna markasta oo ay kubbada hesho bilaabaysay weerar aad u kulul balse difaaca Blues ayaa inta badan iska ilaalinayay halista kaga imanaysay weerarka aan kala joogsiga lahayn ee Ay City ku bilaabatay.

Daqiiqadii 16 aad ayuu Aguero helay fursad uu kooxdiisa hogaanka ugu dhiibi gaadhay laakiin goolhe Begovic ayaa fursadan isku muujiyay wuxuuna Aguero ka badbaadiyay fursad halis ahayd. Difaaca Blues ayaa mararka qaar ku dhibtoonayay dhaq dhaqaaqa Aguero iyo kubbada halista ah ee kaga imanayay Silva, Kolorov iyo Sterling.

M Aguero2

Markale ayuu Begovic muujiyay tayadiisa ciyaareed kadib markii uu fursad gool noqon kari lahayd uu kooxdiisa ka badbaadiyay  waxaana markale fursadan laga beeniyay Auguero. Aguero ayaa u sacabiyay Begovic markii uu fursada halista ah badbaadiyay. Weerarka oo dhan ayaa markan noqday mid ka soo burqanaya dhinaca City. Chelsea ayaa marka ay kubbada hesho bilaabaysay inay weerar halis ah bilawdo balse difaaca City iyo ciyaartoyda khadka dhexe oo kubbada si fiican u raacanayay ayaa fursadaha Chelsea ka dhigay kuwo aad u kooban.Daqiiqadii 31 aad ayuu Sergio Aguero ugu danbayn garaacay goolhaye Asmir Begovic kadib markii uu City udhaliyay goolka ay inta badan sugaysay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay

Silva ayaa kubbada fiican soo ku soo tuuray xerada ganaaxa Chelsea dhexdeeda waxaana kubbada markiiba is dhaafiyay Yaya Toure iyada oo ay isku dhawaayeen Aguero, xidiga ree Argentina ee Aguero ayaa markiiba boos fiican ka dhex qaatay difaaca Chelsea  isaga oo isla markiiba kubbada ku darbeeyay lugtiisa bidix, kubbada ayaana hoos martay Begovic oo goolkan ka hor dadaal badan sameeyay.

Chelsea ayaa markiiba ka jawaawbatay goolka looga hormaray waxayna bilawday inay ka dagaalanto goolka laga dhaliyay balse dadaalkeeda ayaan noqon kuwo lagu faa’iiday, waxaana markooda halista iska ilaaliyay difaaca City oo kulankan si fiican u nidaamsanaa. Fabregas, Hazard iyo Costa ayaa isku dayay inay fursado abuuraan balse fursado halis ah ayayna abuurin.Costa ayaa u muuqday inuu cadaadis badan kala kulmayay difaaca City.

 

Daqiiqadii 43 aad ayay City ku u dhawaatay inay hesho goolkeeda labaad kadib markii uu Mangala si cajiib ah uga dhex booday difaaca Chelseas isla markaana uu kubbada madax ku darbeeyay, laakiin kubbada ayaa wax yar u martay birta goolka. Kubbada oo laaga xorta ah uu ku soo tuuray Kolarov ayaa sabab u noqotay in difaaca Chelsea ee Cahil iyo goolhaye Begovic inay isku dhacaan. Cahil ayuu dhiig ka yimid iyada oo markan la arkay shaqaalaha caafimaadka cusub ee Chelsea kursiga kaydka ufadhiyay oo garoonka soo galaya kadib ganaaxii Eva Carneiro  iyo Jon Fearn.

M Mangala

Cahil ayaa muddo garoonka dhexdiisa lagu daawaynayay balse waxa uu awooday inuu ciyaarta iska sii wato.Chelsea ayaan qaybta hore ee ciyaarta samayn hal bartilmaameed oo kaliya, waxaana kooxda fursadaha ugu badan iyo goolka heshay ahayd Man City.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Jose Mourinho go’aansaday in aanu ciyaarta sidaa ku sii daawan wuxuuna ciyaarta ka saaray John Terry isaga oo ku soo badalay Kurt Zouma, laakiin Pellegrini oo ay kooxdiisu ahayd qaybta hore kooxda qaab ciyaareedka fiican soo bandhigtay ayaan wax badan ah samayn waqtiga nasashada.

Chelsea ayaa ciyaarta ku soo laabatay iyada oo dardar fiican ku socotay isla markaana uu Mourinho dardaaran adag soo siiyay, waxayna bilawday inay raadiso goolka barbaraha. Cheslea ayaa daqiiqadii 50 aad dhashatay gool u muuqtay inay kula imanayso barbaraha kadib markii uu Ramires shaqaba City soo taabatay balse calanwaha ayaa sheegay in Ramires uu offside ku jiray.

M Ramires

Daqiiqadii 79 aad ayay ciyaartu waji kale yeelatay kadib markii uu kabtanka City ee Vincent Kompany kooxdiisa udhaliyay goolka labaad, wuxuuna Kompany kooxdiisa goolkan ugu dhaliyay kubbada uu si fiican madax ugu darbaayay isaga oo si fiican u garaacay  Ivanovic iyo goolhaye Begovic.

M Kompany1

Daqiiqadii 85 aad ayuu Fernandinho kooxdiisa Man City udhaliyay goolka ay dhulka ku jiiday Chelsea, wuxuuna xidiga ree Brazil ka faa’iidaystay kubbada uu ka helay David Silva, wuxuuna darbo aan la badbaadin karin ku tuuray goolka uu ilaashanayay goolhaye Begovic, wuxuuna Fernandinho ciyaarta ka dhigay 3:0 ay City ku dubanayso kooxda horyaalka difaacanaysa ee Blues.

M Fernandinho

Goolkan ayaa ciyaarta ka dhigay mid ayna Chelsea awoodin inay wax kale samayso halka ay City intii ciyaarta ka hadhay bilawday inay kubbada maamulato. Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:0 ay Manchester City ku gaadhay guul wayn iyada oo kulankeedii labaad oo xidhiidh ah guulaysatay. Laakiin Chelsea ayaan wali gaadhin guusheedii ugu horaysay waxayna laba kulan ka heshay hal dhibic.Man City ayaana hogaanka u qabatay kala saraynta horyaalka dalka England.

Hargiesa Office

Diyaare Abuu Maxfuud.

COMMENTS
LINKS