WAJAALE NEWS

Mo Farah Oo ku Guulaystay Tartanka 10,000m Ee Ciyaaraha Adduunka

Orodyahanka Mo Farah ayaa ku guuleeystay tartanka 10,000m ee cayaaraha fudud ee adduunka oo maanta ka furmay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Ka dib guushiisa ayaa la sheegayaa in uu kor u qaaday lacanka dalka uu u ordo ee Britain, kumanaan ka mid ah taageerayaashiisa ayaa wadada la taagnaa boodhadh uu ku dhegsan yahay sawirkiisu.

Ciyaaryahanada galay kaalmaha ku soo xiga ayaa u dhashay waddanka Kenya

 

Mo Farah ayaa hore u haystay dhowr billadood oo Dahab ah, balse dhawaan ayaa lagu soo eedeeyay in uu isticmaalo daroogo si ay jidhkiisa u siiso awood dheeraad ah inkasta oo uu beeniyay  Mo Farah kuna tilmaamay dacaayad rakhiis ah.

 

Exit mobile version