Alle ha U Naxariistee Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa Ku Geeriyooday Dr.Cabdi Faarax Sareeye Oo Kamid Ahaa Dhakhaatiirta Waawayn Ee Dalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Alle ha U Naxariistee Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa Ku Geeriyooday Dr.Cabdi Faarax Sareeye Oo Kamid Ahaa Dhakhaatiirta Waawayn Ee Dalka.
November 21, 2015 - Written by Editor:

INAALILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN

Hargeysa (Wajaalenews)-Illaahay naxariistii janno ha ugu deeqee Dr Cabdi Faarax Sareeyey oo ka mid ah dhakhaatiirta waaweyn ee dalka Somaliland ayaa si kedis ah ugu geeriyooday cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

 

Marxuum Dr.Cabdi  Faarax  Sareeye oo kamid ahaa dhakhaatiirta waawayn ee ka hawlgala Magaalada Hargaysa

marxuumka ayaa sida Ay eheladiisu noo  sheegeen  u geeriyooday xanuun soo boodo ah oo sobobay geeridiisa

Marxuumka ayaa maanta galinkii danbe lagu Aasay Xabaalaha xeedho ee duleedka magaalada hargaysa’

Dr.sareeyye oo kamid ahaa dhakhaatiirta waawayn ee ka hawlgala magaalada Hargeisa 20 kii sano ee u danbeeyay kana mid ahaa dhakhaatiirtii halgankii SNM kasoo shaqeeyay isagoo gargaar ufidin jiray mujaahidinta ku dhaawacma dagaaladii qadhaadhee ay xoogag SNM kula jireen kalidii taliyihii Siyaad Bare   isaga oo marxuumku mudooyinkii u danbeeyay caan ku ahaa daawaynta xanuunka caruurta.

waxa kale oo Xusid mudan in DR SAREEYE Dhakhaatiirka dalka kaga duwanaa ugargaarida danyarta kuna dadaali jiray in aanu bukaanka ku caqliyayna lacagta lagaga qado aragtida Digtoorka

dad fara badan ayaa tan iyo geeridiisa soo gaadhsiinayay tacsi farabadan Oo ku socda qoyskii iyo qaraabadii uu kabaxay marxuumku

1.Sh.C/qaadir Cali Warsame Sh,jaabir

2.Boqor Muxumed Geele Seed

  1. Eng. Xaashi Cumar Cige

4 Eng Xuseen Cilmi

  1. Axmed Taani Ducaale
  2. Mustafe Saleebaan Cilmi
  3. Cumar Madar Muuse

sidoo kale waxaa tacsi taa lamida udiraya qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday MARXUUM DR CABDI FAARAC SAREEYE BAHDA SHABAKA WARARKA EE WAJAALENEWS DHAMAAN MASUULIYIINTEEDA HAWLWADEENADA

 

 

COMMENTS
LINKS