TACSI MADAXWEYNE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TACSI MADAXWEYNE
December 2, 2015 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Fanaanka Caanka ah ee reer Somaliland Nuur Jaamac Aadan (Nuur Daalacay) oo uu aabihii Marxuum Jaamac Aadan Bullaale ku geeriyooday dhawaan Magaalada Gabiley, laguna aasay Marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi taa la mida u dirayaa  qoyskii, qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland  ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha  JSL.

COMMENTS
LINKS