Kooxda Real Madrid Oo Tababare Loo Magaacay Markii La Eryay Tababare Benitez. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda Real Madrid Oo Tababare Loo Magaacay Markii La Eryay Tababare Benitez.
January 5, 2016 - Written by Wariye:

madridKooxda weyn ee kubadda cagta ee Real Madrid, ee dalka Spain, waxa ay eryeen tababarahoodii Rafa Benitez. Real Madrid ayaa haatan kaalinta saddexaad kaga jirta kala horreynta shaxda horyaalka Spain ee La Liga, waxa ayna ka hoosaysaa kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid oo kow iyo laba ku kala jira.
Benitez, oo kooxdaasi maamulayay todoba bilood oo kaliya ayaa waxaa saarnaa cadaadisa tan iyo markii ay 4 iyo waxba bishii Nofeembar kaga adkaatay kooxda Bercelona ee uu ka dhaxeeyo xifiiltanka adag.
Kabtankii hore ee xulka Faransiiska ahna tababaraha kooxda da’da yar ee Real Madrid B, Zinedine Zidane, ayaa loo magacaabay in uu qabto xilka laga qaaday Benitez.

http://ichef.bbci.co.uk/news/ws/624/amz/worldservice/live/assets/images/2016/01/04/

Kooxda Real Madrid oo 10 jeer ku guulaysatay koobka Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League-ga, ayaa wargeyska Forbes waxa uu ku tilmaamay in ay tahay kooxda ugu dhaqaalaha badan Adduunka
Wajaalenews-desk
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS