TACSI MADAXWEYNE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TACSI MADAXWEYNE
February 21, 2016 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u  dirayaa Waxgaradka, waayeelka, Aqoon yahanka, iyo Golaha Deegaanka Burco ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Axmed Maxamuud Diingool kuna geeriyooday Maanta oo taariikhdu tahay 21/02/2016 Hargeysa, laguna aasi doono Burco 22.02.2016.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa odayaashii waxgaradka ahaa ee ka soo shaqeeyey sidii qarankani dib ula soo noqon lahaa qarannimadiisa, iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha wada degan Somaliland, isaga oo wakhtigana ka mid ahaa xildhibaanadii golaha deegaanka Degmada Burco, ahaana xildhibaankii ugu da’a waeynaa uguna waayo aragnaa 21ka xildhibaan ee Golahaasi.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somalilandba.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo. Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Shacbiga Somaliland ee uu  ka baxdayna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

C/raxmaan Sh Cilmi Faahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS