Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeed Geerida Ku Timi 14-kii Qof Ee Ku Dhintay Shilkii Gaadhi Ee Ka Dhacay Jidka U Dhaxeeya Kalabaydh Iyo Gabiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeed Geerida Ku Timi 14-kii Qof Ee Ku Dhintay Shilkii Gaadhi Ee Ka Dhacay Jidka U Dhaxeeya Kalabaydh Iyo Gabiley
February 26, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa, (Wajaalenews) —Wasiirka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga Somaliland Mud. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr). wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii asxaabtii qoysaskii qaraabadii iyo dhammaanba bulsshada reer Somaliland ee ay ka baxeen 14-kii qof ee maanta ku nafwaayey  shilkii naxdin lahaa ee ka dhacay jidka u dhaxeeya Gabiley iyo kalabaydh,kadib markii ay isku dhaceen gaadhi NOAH-ah oo sidey dad Shicib Ah iyo gaadhi Kale oo Laangaruusar ah.

 

Wasiir Dayr, wuxuu si gaar ah tacsi ugu diray Qoyska Reer Aw Daahir DUGSIIYE, oo shilkaasi ay kaga dhinteen dhawr qof, waxa uu marxuumiintaa Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,

Wasiirku, Waxa kale oo uu 9ka qof ee shikaasi ku dhawacmay Alle uga baryayaa inuu caafimaad Sareecana Siiyo . Aamiin …Aamiin …Aamiin.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

COMMENTS
LINKS