TACSI MADAXWEYNE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TACSI MADAXWEYNE
March 6, 2016 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Eng Axmed Warsame Siciid oo ku geeriyooday Hargeysa 06.03.2016.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey oday door muhiima ka soo qaatay dib u dhiska dalka, kana mid ahaa Ganacsatada dalka maalgashatay, ee aqoontooda iyo muruqoodaba uga  faaiideeyey.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

      Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

COMMENTS
LINKS