Real Madrid Oo Guul Cidhiidhi Ah Ka Soo Gaadhay Kooxda Las Palmas, Sergio Ramos Iyo Pepe Oo Kulanka Muhiimka Ah Ee Sevilla Ganaaxyo Ku Seegi Doona. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Madrid Oo Guul Cidhiidhi Ah Ka Soo Gaadhay Kooxda Las Palmas, Sergio Ramos Iyo Pepe Oo Kulanka Muhiimka Ah Ee Sevilla Ganaaxyo Ku Seegi Doona.
March 14, 2016 - Written by Wariye:

Hargeisa(WJN):-Real Madrid ayaa guul cidhiidhi ah ka soo gadhay kooxda Las palmas iyada oo Casemiro uu kooxdiisa goolka guusha udhaliyay dhamaadkii ciyaarta. Sergio Ramos ayaa Madrid qaybtii hore hogaanka udhiibay laakiin waxaa goolkiisa kansalay  Willian José da Silva markii ay ciyaarta saddex daqiiqo ka hadhsanayd iyada oo ciyaartu u muuqatay in ay barbaro u dhamaanayso ayuu Casemiro kooxdiisa ka caawiyay in ay saddexda dhibood soo wada qaadato.

Intii lagu jiray daqiiqado dheeri ah oo ciyaarta lagu daray Ramos ayaa kaadhka cas loo taagay kadib markii uu qaatay kaadhkiisa laabad ee digniinta ah wuxuuna seegi doonaa kulanka kooxdiisii hore ee Sevilla ay soo booqan doonto Real Madrid waxaana sidoo kale kulankaas seegi doona pepe oo isna kulankan qaatay kaadhkiisii digniinta ahaa ee shanaad.
Real
Real Madrid ayaa marti u ahayd kooxda ka dhisan jasiirada Canary Island ee Las Palms oo xili ciyaareedkan qaab ciyaareed fiican ku soo badhigtay garoonkeeda, laakiin Los Blancos ayaa maanka ku haysay in waxaan guul ahayn oo ay kala soo laabato Las Palmas in ay si rasmi ah u soo gaba gabayn karto xili ciyaareedkooda La Ligaha.Real

Real Madrid ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo 7 dhibcood ka danbaysay kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Atletico Madrid halka ay 15 dhibcood ka hoosaysay kooxda hogaanka La Ligaha haysa ee Barcelona, sidaa daraadeed wiilasha Zidane ayaa u baxay sidii ay u soo yarayn lahaayeen farqiga dhibcaha ay u jiraan kooxaha ka sareeyay, waana sababta ay Madrid kulankan guusha ugu baahnayd.

Shixihii Labada Kooxood Ee Kulankan:

Las Palmas (4-3-3): Varas; Garrido, Lemos, Bigas, Garcia; Momo, Montoro, Mesa; Nili, Willian, Viera.

Kaydka: Lizoain, Lopez, Arajuo, Artiles, Valeron, Castellano, El Zhar.

Real Madrid (4-3-3): Navas; Carvajal, Pepe, Ramos, Arbeloa; Modric, Casemiro, Isco; Vazquez, Ronaldo, Bale

Kaydka:Casilla, Varane, Nacho, Marcelo, Kovacic, Jese, Borja Mayoral.

Labada kooxood ayaa ciyaarta ku bilawday qaab ciyaareed dardar badan ahi waxayna markiiba raadinayeen sidii ay goolal iskaga dhalin lahaayeen. Las Palmas ayaa qaab ciyaareed dhiiran kala hortimid Real Madrid waxayna dagaal ugu jirtay sidii ay uga faa’iidaysan lahayd garoonkeeda iyo jamaahiirteeda sawanka badan.Navas

Daqiiqadii 9 aad Las Palmas ayaa fursad abuurtay kadib markii uu Willian badbaadin ku qasbay Navas sidoo kale daqiiqadii 13 aad Momo ayaa fursad fiican helay laakiin darbadiisa ayaa sare martay, waxayna Las Palmas u muuqatay mid si buuxda ugu dhiiranaysay in ay weerar ku qaado Madrid.Navass
Ramos
DAQIIQADII 23 aad Real Madrid ayaa heshay fursad cajiib ah kadib markii uu Modric khakda dhexe kubbada kala soo baxay isla markaana uu baas miisaamn u bixiyay Ronaldo laakiin xidiga kooxda Las Palmas ee Varas ayaa markiiba halista iska badbaadiyay.Ronaldo ayaa raadinayay qaabkii uu ku dhaafi lahaa difaaca Las Palmas oo si fiican u haybaysnaa.ModricRonaldo1 Ronaldo

DAQIIQADII 24 aad Real Madrid ayaa ugu danbayn heshay goolkeeda furitaanka kadib markii uu kabtankeeda Sergio Ramos García uu kooxdiisa udhaliyay goolka furitaanka isaga oo darbo madaxa ah ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda lahaa  Francisco Isco, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Madrid hogaanka ciyaarta kula wareegtay.Ramos
Bale
Ramos1Las Palmas ayaa bilawday in ay raadiso goolka barbaraha laakiin sidoo kale Real Madrid ayaa doonaysay in ay la timaado goolka kalsoonida balse ciyaarta ayaa sii noqotay mid adkaatay waxayna qaybta hore ku dhamaatay 1:0 ay Madrid hogaanka ciyaarta ku hasyay.Ramos2

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxood soo laabteen iyaga oo aan ku bilaaban dardartii fiicnayd ee ay qaybta hore ku dhamaatay. Las Palmas ayaa doonaysay in ay la timaado goolka barbaraha waxayna hubtay in haddi ay Madrid la timaado goolka labaad ay ciyaartu farahooda ka baxayso.

Las Palmas ayaa culays badan ku haysay Real Madrid taas oo keentay in Zidane uu shaxdiisa isbadal ku sameeyo waxa uu ciyaarta ka saaray Francisco Isco oo kaadhka digniinta ah la siiwayay wuxuuna kaydka uga yeedhay Mateo Kovačić.Zidane

Daqiiqadii 64 aad Gareth Bale oo ciyaarta aan ka dhex muuqan ayaa helay fursada uu ku dhalin gaadhay goolka labaad ee Madrid goolkaas oo uu ku dhigi lahaa rekoodh cusub balse xidiga ree Wales ayaa awoodi waayay in uu fursadan gool u badalo.Bale

DAQIIQADII 66 aad Las Palmas ayaa ugu dhawaatay in ay ciyaarta dib ugu soo laabato isla markaana ay hesho goolkeeda barbaraha kadib markii xidiga Las Palmas ee Momo uu shaqo cajiib ah soo qabtay laakiin goolhaye Navas ayaa kooxdiisa fursadan ka badbaadiyay.

Ciyaarta ayaa  noqotay mid aad u adag isla markaana ay Las Palmas aad u doonaysay goolka barbaraha laakiin daqiiqadii 85 aad Sergio Araujo oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa ku dhawaaday in Madrid xili danbe goolka barbaraha ka dhaliyo laakiin da’yarkan ayaa birta goolka ag marayay darbadiisa.

DAQIIQADII 87 aad Ugu danbayn Las Palmas ayaa heshay goolka barbaraha ee ay waqtiga badan raadinaysay waxaana goolkan ay sida wayn u baadi goobaysay u saxiixay  Willian José da Silva kaas oo kubbad caawin ka helay Jerónimo Figueroa Cabrera waxayna ciyaartu noqtay barbaro 1:1 ah.

Ciyaarta ayaa gashay xaalad waali ah, goolka barbaraha ee Las Palmas ayaan waxba sii waarin waxaana markiiba Madrid goolka labaaad u saxiixay Carlos Henrique Casimiro oo daqiiqadii 89 aad markiiba Madrid culayska kaga dulqaaday goolka labaad ee uu muuqday goolka guusha, waxaana caawinta goolkan sameeyay Jesé Rodríguez, waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay markiiba Real Madrid hogaanka ciyaarta dib ugu soo ceshatay.Casemiro

Intii lagu jiray daqiiqado dheeri ah oo ciyaarta lagu daray kantanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa loo taagay kaadhkiisa labaad ee digniinta ahaa taas oo keentay in kaadhka cas loo raaciyo kadib markii uu qalad ku galay Momo. Ramos ayaa seegi doona kulanka Bernabue ee ay Madrid la ciyaari doonto kooxda Sevilla waxaa sidoo kale seegi doona Pepe oo isna kulan kaadhka digniinta ah loo taagay isla  markaana nasiib kaga badbaaday in kaadhka cas loo taago. In Zidane uu Pepe iyo Ramos wada waayo kulanka Sevilla ayay dhibaato wayn ku noqon kartaa.2

Jawaabta ay Real Madrid ka bixisay goolka barbaraha ee ay Las Palmas la timid ayaa ahaa mid cajiib ah, waxayna ugu danbayn awooday in ay la soo hoyato saddexda dhibcood, waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2:1 ay Madrid u soo gaadhay guul cidhiidhi ah balse aad muhiim u ah.

Hargeisa oFFICE
Wajaalenews.net
Wariy:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS