Kooxda West Ham United Oo Man United Barbaro Kula Gashay Old Traffrod, Anthony Martial Oo Dhamaadkii Kulankan Kooxdiisa Guuldaro Ka Badbaadiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda West Ham United Oo Man United Barbaro Kula Gashay Old Traffrod, Anthony Martial Oo Dhamaadkii Kulankan Kooxdiisa Guuldaro Ka Badbaadiyay
March 14, 2016 - Written by Wariye:

Hargeisa(WJN):-Manchester United ayaa dirqi kaga badbaaday wixii ku dhacay kooxaha waa wayn ee horyaalka Ingiriiska, waxayna barbaro 1:1 ah garoonkeeda Old Traffrod ay kula gashay kooxda West Ham United.Dimitri Payet ayaa gool cajiib ah West Ham hogaanka ugu dhiibay laakiin iyada oo 7 daqiiqo oo kaliyi ay ciyaarta ka hadhsan tahay ayuu Anthony Martial kooxdiisa  u keenay goolka barbaraha waxayna labada kooxood ciyaari doonaan kulan ku celis ah oo ka dhici doona garoonka West Ham United.
Martail
Manchester United ayaa garoonkeeda Old Traffrod ku soo dhawaysay kooxda West Ham United kulan ka tirsanaa wareega sideed dhamaadka FA Cupka. Man United ayaa kulankan ciyaaraysa iyada oo ay wali xusuusan guuldaradii todobaadkii hore ku soo gaadhay Anfield ee kulankii lugta hore ee Europa Leaque-ga, balse markale Van Gaal ayaa maanka ku hayay in kooxda xili ciyaareedkan kooxaha waa wayn soo dhibtay ee West ham in ay markale waji gabax ku ridi karto kooxdiisa oo Old Traffrod joogtay.west
Martail
Manchester United ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo ogayd in ay kooxda kaliya ee kooxihii waa wayna ka soo hadhay ay noqon karto haddii ay West Ham soo dhaafto, waxayna horeba ka ogayd in kooxaha Liverpool, Manchester City, Chelsea iyo Arsenal ay dhamaantood macasalaameeyeen, sidaa daraadeed muhiimad gaar ah ayay u arkeen in ay u soo baxaan wareega afar dhamaadka FA Cupka.
martial
Laakiin West ham United oo xili ciyaareedkan noqotay kooxda ugu dilaasan ee dhibta ugu wayn u gaysatay kooxaha ugu tunka wayn horyaalka Ingiriiska ayaa  marti ku hayd Old Trafford iyada oo aan u iman in ay tirada buuxoso waxayna ku fikiraysay sidii ay ugu soo bixi lahayd afar dhamaadka FA Cupka.Sir

Shixihii Labada Kooxood ee Kulankan:

Manchester United:De Gea, Varela, Smalling, Blind, Rojo, Carrick, Fellaini, Rashford, Herrera, Lingard, Martial.

Kaydka:Romero, Darmian, Williams, Schneiderlin, Schweinsteiger, Januzaj, Memphis.

West Ham United:Randolph; Antonio, Reid, Ogbonna, Cresswell; Kouyate, Noble, Lanzini, Payet; Emenike, Carroll

Kaydka:Adrian, O’Brien, Song, Obiang, Moses, Sakho, Valencia

Manchester United ayaa ciyaarta ku bilaabatay iyada oo haysatay kubbada ugu badan laakiin haddana West Ham ayaa ahayd kooxda fursadaha ugu fiican ee ugu horeeyay abuurtay. Daqiiqadii 6 aad Carroll iyo  Emenike ay halis galiyeen goolka Man United balse fursadan ayaan noqon mid natiijada ciyaarta wax ka badashay.Sidoo kale bilwgii ciyaarta  Marcus Rashford ayaa isku dayay in uu laba lugoodley ku raadiyo gool.Rashford

DAQIIQADII 19 aad Manchester United ayaa goolka furitaanka ka badbaday kadib markii uu Noble kubbad u bixiyay Payet kaas oo isaguna kubbad u sii dhiibtay Cresswell, difaacan bidix ayaa karoos fiican u sameeyay Emenike kaas oo madax ku darbeeyay kubbada laakiin goolhaye aamin ah markaad haysato fursadan oo kale walwal badan malaha waxaana kubbada qabsaday David De Gea.Carroll

Sheekada labada kooxood ayaa kala duwanayd, Man United waxay inta ugu badan haysatay kubbada iyada oo West Ham ay kubbaduba ku yarayd laakiin haddana kooxda martida ahayd ee West Ham ayaa halista ugu badan ku abuuraysay marka ay kubbada hesho.Lingard

DAQIIQADII 21 AAD  West Ham United ayaa markeeda badbaaday kadib markii uu Martial si cajiib ah u soo ciyaaray laakiin Herrera oo isku dayay in uu fursadan ka faa’iidaysto laakiin darbadiisa ayaa sare u kacday, waxayna ahayd fursad aad u fiicnayd.Herrera

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa noqotay mid aad u adag isla markaana ay labada kooxood awoodi waayeen in ay wax goolal ah iska dhaliyaan.Anthony Martial ayaa ahaa xidiga ay Man United niyadsamadi ku qabtay qaab ciyaareedkiisa qaybta laakiin xidiga ree France ayaa awoodi wayay in uu Reds Devils uga faa’iideeyo hanaankiisa ciyaareed ee fiicnaa, Man United ayaa 45 kii daqiiqo ee qaybta hore ku fashilantay in ay samayso hal bartilmaameed oo goolka ah halka West ham ay hal bartilmaameed samaysay, waxayna labada kooxood qaybta hore ku kala nasteen barbaro gool la’aan ah.Martail

Markii layskugu soo laabtay qaybta danbe ee ciyaarta ayay markiiba West Ham la soo baxday dardar cusub waxayna daqiiqadii 46 aad ku dhawaatay in ay goolka furitaanka la timaado kadib markii uu Michail Antonio uu kubbad u soo karoosay Emmanuel Emenike kaas oo ku dhawaaday in uu West Ham goolkan u dhaliyo laakiin markale David De Gea ayaa kubbad iska dhirbaaxay.

DAQIIQADII 59 aad ciyaartoyda Man United ayaa ku dooday in ay rekoodhe heleen kadib markii uu Ander Herrera kubbad xoogan ku darbeeyay goolka West Ham laakiin kubbada ayaa marka hore ku dhacday bawdada difaaca West Ham ee Winston Reid halka ay mar kale gacanta kaga sii dhacday laakiin garsoore Martin Atkinson ayaan waxba tilmaamin.

Tababaraha West Ham ayaa markiiba ciyaarta ka saaray Winston Reid wuxuuna booskiisa ku soo badalay Pedro Mba Obiang, sidoo kale Reid ayaa haysatay kaadhka digniinta ah, wuxuuna halis u galay in rekoodhe lagu dhigo. Laakiin Man United ayaa markeeda rekoodhe ka badbaaday kadib markii uu Rojo uu qalad ku galay Payet oo xerada ganaaxa United ku jiray balse markale garsoore Atkinson ayaan waxba tilmaamin.Payet payet1

WAQTIGII CIYAARTAA! Daqiiqadii 68 aad West Ham United ayaa hogaanka ciyaarta kula wareegtay gool LAAYBLEH oo uu Dimitri Payet ku dhaliyay looga xorta ah, wuxuuna payet muujiyay sababta uu si dhab ah West Ham United ugu yahay Zinedine Zidane-ka cusub, wuxuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay West ham hogaanka ciyaarta ku qabtay.Alla muxuu gool ahaa!. De Gea ayaa markan tayadiisa cajiibka ahayd ku badbaadin kari waayay goolka Payet.payet2 payet4 De Gea

Daqiiqadii 76 aad tababare Van Gaal ayaa kaydka uga yeedhay Bastian Schweinsteiger iyo Memphis Depay wuxuuna ciyaarta ka saaray Marouane Fellaini iyo da’yarka Marcus Rashford.Manchester United ayaa markan dadaalkeeda oo dhan iskugu gaysay sidii ay kula iman lahayd goolka barbaraha.

DAQIIQADII 83 aad ee ciyaarta Manchester United ayaa ugu danbayn heshay goolkeeda barbaraha waxaana kooxda Louis Van Gaal badbaadiyay Anthony Martial kaas oo qool qurux badan kooxdiisa ugu keenay goolka ay sida wayn ugu baahnayd ee barbaraha wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah oo ay Man United xili danbe ciyaarta dib ugu soo laabtay.Ander Herrera ayaa magiciisa ku qoray caawinta goolka aadka muhiimka ugu ahaa Man United.Martail martial

Ciyaarta ayaa markale dib ufuratay iyada oo ay 7 daqiiqo oo kaliyi ka hadhsan tahay, waxayna markan Man United bilawday in ay raadsato goolkii ay natiijada ciyaarta dhinaca kale ugu dhigi lahayd. Daqiiqadii 85 aad Depay ayaa helay fursad uu ciyaarta ku dili karay laakiin xidiga ree Holland ayaan fursdan ka faa’iidaysan. Inkasta oo ay labada koxoodba dhamaadkii raadinayeen goolka guusha haddana waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay barbaro 1:1 ah, waxayna labada kooxood ku kala bixi doonaan kulan ku celis ah oo garoonka West Ham United lagu ciyaari doono.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariy:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS