Xog Culus:Xidhiidh khadka Telefoonka Ah Oo Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Ganacsada Reer Jabuuti Ee C/raxmaan Boorre .+ Codsiga Muuse Biixi U Qadintay Ganacsadaha‏ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xog Culus:Xidhiidh khadka Telefoonka Ah Oo Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Ganacsada Reer Jabuuti Ee C/raxmaan Boorre .+ Codsiga Muuse Biixi U Qadintay Ganacsadaha‏
March 19, 2016 - Written by Editor:

biixi boore
Hargeysa(w.j.n):-Guddoomiyaha Xisbul xaakimka KULMIYE Muuse Cabdi ,ayaa la sheegay inuu habeenkii xalay ahaa xidhiidh la sameeyey ganacsadaha reer Jabuutu ee lagu magacaabo C/raxmaan Boorre,kaas oo la sheegay inuu ahaa mid khadka Telefoonka ah oo qaatay muddo saacad ku siman,waxaana wararka laga helayaa
Hargeysa(Xogreebnews)-Guddoomiyaha Xisbul xaakimka KULMIYE Muuse Cabdi ,ayaa la sheegay inuu habeenkii xalay ahaa xidhiidh la sameeyey ganacsadaha reer Jabuutu ee lagu magacaabo C/raxmaan Boorre,kaas oo la sheegay inuu ahaa mid khadka Telefoonka ah oo qaatay muddo saacad ku siman,waxaana wararka laga helayaa illo wareedayad soo wariyey xidhiidhkan ay sheegayaan in barriido ka dib uu kornaylka KULMIYE u qadintey codsi..
Xidhiidhkan dhexmaray Guddoomiye Muuse Biixi Iyo ganacsadaha reer Jabuuti ee lagu magacaabo C/raxmaan Boorre, ayaa waxa ka shaqeeyay wasiir katirsan Xukuumadda Siilaanyo,kaas oo kamid ah wasiirada ugu tunka weyn golaha wasiirada,isla markaana la sheegay inuu xidhiidh dhow oo saaxiibtinimo ka dhaxeeyo ganacsadaha debad wareega ah ee ina Boorre,waxa kale oo isna kamid ah shabakada ka shaqaysay xidhiidhka dhaxmaray Muuse Biixi iyo ganacsade C/raxmaan Boorre,wiil la sheegay in ay ehel yihiin wasiirkaa hore ee aanu magaciiska qalinka ka dhawrnay,labadan shaqsi ayaa Guddoomiye Muuse Biixi ku dhiirigeliyeen la xidhiidh ina Boorre ,isla markaana waxay kornaylka u shegeen inuu ganacsaduhu dhaqaalle ku taagreeidoono. Dhinaca Kallena Xidhiidhkan oo la sheegay inuu ahaa Khadka Telefoonka ayaa wararka laga helayaa ay sheegeen inuu Muuse Biixi bariido iyo is xogwaraysi kadib uu u qadintey ganacsadaha codsiyo is barkan,kuwaas oo la sheegay in ay ugu cuslayeen taageero dhaqaalle oo uu ka dalbaday Muuse ganacasadaha,hase- yeeshee wararku ma sheegin inuu ganacasde Boorre uu hadda aqbalo codsiga Muuse iyo in kale, balse waxay wararku sheegeen in kullan dabe loo balamay todobaadkan .
Ugu dambayntii Xidhiidhkan dhexmaray Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo ganacsadaha debad wareega ah hadda ee reer Jabuuti Mr C/raxmaan Boorre ayaa noqonay kii ugu horeeyey ee dhexmar labadooda.
WAJAALE DESK:
LONDON OFFICE

COMMENTS
LINKS