ABWAAN XASAN DAAHIR WEEDHSAME Oo Maanso ku Cabiray Xaalada Abaaraha Ba,an Ee Dalka kajirta ,”Gurmadaay dDadkeenii Miyiga Waan ka Gaabinaye”, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ABWAAN XASAN DAAHIR WEEDHSAME Oo Maanso ku Cabiray Xaalada Abaaraha Ba,an Ee Dalka kajirta ,”Gurmadaay dDadkeenii Miyiga Waan ka Gaabinaye”,
March 29, 2016 - Written by Editor:

ABWAAN XASAN DAAHIR WEEDHSAME Oo Maanso ku Cabiray Xaalada Abaaraha Ba,an Ee Dalka kajirta ,”Gurmadaay dDadkeenii Miyiga Waan ka Gaabinaye”,

Saddex goor haddii aad gasiin gawska la helayso,

Haddaad midhaha geedaha ku yaal gurato hoobaanta,

Haddaad guri dugsoon jiifto iyo ilo-xidh kuu gaara,

Haddii goolal kuu looggan yiin dhereg ku goohayso,

Way galangalcoobeen dadkii kugu gadaanaaye,

Goonyahaaga baahida jirtaa waa mid ganac weyne,

Giriyaad harraad baa ku dilay gabanadeeniiye,

Hooyada sidii awr gurgura guudka ubad saartay,

Ee socodka goobyaalaysee qaydku kala gooyey,

Ee goror biyo ah haysanee luunka lagu gaadhay,

Ee weliba gabankay siddaa hooyo garow leeyey,

Uma waayin guullaha ilaah gaawe iyo soore,

Gurmadaay dadkeenii miyiga waan ka gaabinaye,

Markaan hebel u guusaynee doorashada gaadho,

Laabtaan garaacnaa hoheey ginida dhiibnaaye,

Inta aan is guubabineen wax isu geygeyno,

Waynaga nimaan gees ridayn laguma guuraanka,

Gumariyo adduun siinaneen gurano qaadhaane,

Gaasiraad abaar gaabisiyo, gaajo lagu leeday,

Kama gubano keenii golmoon waad ka gudhantiine,

Nin walaalkii gaajoonayoo saa gilgilan waayey,

Wada dhalasho geeraa ka mudan kuu gurmani weyday,

COMMENTS
LINKS