Baroor Diiq,Gabal Dhacay: Cumar-Saalax Cabdi Xasan W/Q: Cabdi Yuusuf Aar, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baroor Diiq,Gabal Dhacay: Cumar-Saalax Cabdi Xasan W/Q: Cabdi Yuusuf Aar,
April 1, 2016 - Written by Editor:

Geeridu waa xaq waana wax dhammaanteen inna sugaya. Hase ahaatee way kala naxdin badan tahay oo hore ayay Soomaalidu ugu maahmaahday “Geeridu nin aanad garanayn iyo geeljire ayay  ku fiican tahay.”

Waxa shalay [Khamiistii] dalka India ku geeriyiooday Alle ha u naxariisto’e Cumar Cabdi Xasan oo loo yaqaanay Cumar-Saalax. Geeridiisu waxay naxdin iyo filan-waa ku noqotay cid kasta oo magaciisa iyo muuqiisa garanaysay, anigana si gaar ah ayay ii taabatay. Muddo dheer ayaanu ahayn saaxiibo isku dheer. Waxanu ku soo wada kornay laba guri oo isu dhow.  Hadda oo aanu reero iyo carruuro yeelanayna waxaanu ahayn jaar laba guri oo isku dhaw deggan. Marar badana waanu soo wada shaqaynay. Noloshayada intii ugu badnyd waanu isa soo agjoognay oo isma lihi cid baa kaaga aqoon badnayd. Sidaas daraadeed waxan jeclaystay in aan idinla wadaago taariikh-nololeedkiisii oo kooban.   

MARXUUM CUMAR SAALAX IYO CABDI YUUSUF

Cumar-Saalax wuxu ku dhashay Hargeysa  sannadkii 1976-kii. Dugsigiisii Hoose wuxu ku qaatay Biyo-Dhacayga Hoose. Markii uu 1988 dagaalku ka qarxay Somaliland ee qaxootiga la noqday wuxu ka mid noqday ardaydii wax ka baran jirtay madarasadii Cabdillaahi Binu Mascuud ee Dulcad, halkaas oo uu ku xifdiyay 30-ka Jus ee Qur’aanka.  Markii dalka lagu soo laabtay 1991 waxbarashadiisa wuu sii watay isaga oo arday ka noqday dugsiga Sheekh Cabdillaahi Muuse Qaalib kuna dhammaystay waxbarashada dhexe iyo sare. Waxa kale oo uu koorsooyin ka qaaday mac-hadyadii caanka ahaa ee AIDAM, SIDAM iyo Aflax. Waxbarashadiisa heerka jaamacadeedna inteed ugu badan wuxu ku qaatay “online”. Cumar wuxu ahaa nin waxbarashada aad ugu wanaagsan, waanay adkayd in ciddi ka derajo sarrayso imtixaan kasta oo la galo.

Labaataneeyihii sanno ee ugu dambeeyey  Cumar wuxu ku dhex jiray ganacsiga gaarka ah isaga oo haatan ahaa Madaxaha Hawlaha Shirkadda SOMCABLE (Operations Manager). Laga soo bilaabo Oktoobar 1999 wuxu u shaqaynayey si xidhiidh ah iyada oo aanu ka soo wada shaqaynay shirkaddii MSG ee ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi marna aanu macalin ka wada noqonay mac-hadka Aflax Institute. 17-kii sanno ee ugu dambeeyey marka laga reebo saddex sanno oo uu ganacsi gaar ah China ugu maqnaa wuxu la shaqaynayey MSG. Waxa lagu xusuustaa in uu ahaa hoggaamiye hawl-kar ah oo tusaale u ah cid kasta oo uu la shaqeeyo ama ka hoos shaqaysa. Wuxu shaqayn jiray saacado aad u badan oo ay adag tahay in bani’aadamka badankiisu shaqayn karaan. Wuxu ahaa hawl-u-joog mar walba u heellan gudashada masuuliyaddiisa.

Marka laga yimaaddo dhinaca shaqada, dadka badankiisu Cumar-Saalax waxay ku xusuustaan in uu ka mid ahaa xiddigihii kubadda cagta ugu xirfadda badnaa uguna caansanaa ee Somaliland soo maray sannadihii sagaashamaadkii, haddii aanu ahaynba xiddigii ugu caansaa. Yaraantiisii, ka hor intii aan Hargeysa laga qixin, wuxuu u ciyaari jiray kooxdii Sariibbaddaa ee xaafada Idaacadda iyo kooxdii dugsiga Biyo dhacay.  Markii dalka lagu soo noqdayna wuxu u ciyaaray naadiyo ay ka mid ahaayeen Alqamar isaga oo ku khatimay naadigii shirkadda NPP ee uu mulkiilahaa ka ahaa marxuum Maxamuud Cabdi Shide. Garoonnada aad baa looga jeclaa oo maalinta uu ciyaarayo lagama maqnaan jirin. Wuxu noqday “legend” dalka oo dhan laga yaqaan lagana tixgeliyo. Dhallinyarada iyo carruurta Somaliland waxay ku fikiri jireen sidii ay isaga oo kale u noqon lahaayeen.

Cumar kubadda cagta oo kali ah kuma fiicnayn ee wuxu ka mid ahaa dadka tirsan ee hibada u leh kuna fiican ciyaaraha noocyadooda kala duwan. Waxan xusuustaa in uu xataa mararka qaar ciyaari jiray shaxda oo ay dhif ahayd in laga badiyaa.

Alle ha u naxariisto’e Cumar wuxu ahaa nin lagu majeerto shakhsiyad-wanaag. Wuxu ahaa addoon cibaado badan oo aanay salaadi ka tegi jirin. Wakhtiyada Ramadaanta wuxu ahaa dadka aanay taraawiixda iyo taajudka midina dhaafin. Wuxuu ahaa bulshaawi dadka aad u xidhiidhiya iskuna xidha, kaftan iyo sheeko badan, jecelna in uu ka sheekeeyo qisas xikmad leh. Wuxu lahaa saaxiibtinimo joogto ah, qof kastana magaciisa oo saddexan ayuu ugu yeedhi jiray. Wuxu deeqsi ku ahaa talooyinka, dadkana wuxu intii karaankiisa ah ku soo dabbaali jiray wanaagga.  Adduunyadu wax qiimo ah agtiisa kuma ay lahayn oo marka aad la sheekaysato waxad dareemaysay in uu diyaar u ahaa geerida iyo aakhiro.

Cumar wuxuu ifka kaga tagay lix carruur ah; afar wiil iyo laba gabdhood iyo hooyadood. Ilaahay waxan ka barayayaa in uu jannooyinkiisa ka waraabiyo innagana dhammaanteen Samir iyo Iimaan innaga siiyo…Ammiin…  

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Qalinkii: Cabdi Yuusuf Aar

Hargeysa, Somaliland

cabdiaar@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS