Xoghayaha D/hoose Ee Gabiley Oo Danihii Gabiley Ku Baabiiyay Waji-Kumacaash Uu Mashruucsado Iyo Xasuusta Sidii Uu Ugu Abaal Gudey Khadra Xaaji Gaydh. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha D/hoose Ee Gabiley Oo Danihii Gabiley Ku Baabiiyay Waji-Kumacaash Uu Mashruucsado Iyo Xasuusta Sidii Uu Ugu Abaal Gudey Khadra Xaaji Gaydh.
April 1, 2016 - Written by Editor:

Gabiley(W,N)-Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor oo rukun weyn ka ah wakhti xaadirkan Shakhsiyaadka baabiiyay Sumcadii iyo Danihii Gobolnimo ee Gabiley ku laheyd guud ahaanba dalka ayaa mudooyinkii u dambeeyay caan ku ahaa abaabulka Waji Kumacaashka odoyaasha iyo wax magaratada lasoo fadhiisiiyo Shaashadaha Warbaahinta, kuwaas oo maalin walba ka hadla ujeedooyin aan Gobolka iyo Degmada midna waxba uga cabin.

XOGHAYAHA GABILEY

Inkastoo Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor ay fursad badan siiyeen dhalinyarada iyo Shacabka Reer Gabiley oo ka niyad jabey Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo balanqaadyadii beenta ahaa ee heerka Gobolka iyo nidaam ahaan sida ay uga duwan tahey Dawladihii soo marey Somaliland, hadana waxa siweyn loo hadalhayey waji kumacaashkii u dambeeyay oo ay qaar sheeganaya Magaca Gabiley kaga hadlayeen arimihii diwaangalinta Codbixinta Doorashooyinka ee Dib looga dhigay Gobolada Bari iyo Gobolka Hargeysa iyadoo laga soo qabtey Gobolada Togdheer,Awdal Gabiley iyo Baligubadle iyadoo xaalada abaartu gaadhey heer Dhimasho, wallow aaney Reer Gabiley deyrtan Jeclaysan Komishanka la doortey ee Heer Qaran islamarkaana, aaney saamaynta abaarta iyo xaaladu sida ay uga duwan tahey xiliyadii hore midna uga hadal hadana waxa siweyn la isku weydiiyay sababta Gabiley oo tabashada ugu culus ka qabey Diiwaangalintii aan maalin lagu wacyigalin Dadweynaha ee loo diiday saamigii iyo sanaaduuqdii loo reebi lahaa dadka aan wakhtiga ka faa,idaysan waa maxey sababta ay u taageerayaan in Hargeysa oo Biyaha Sifaysan lagu cabayo in xaalad abaareed lagu sheego, arintan oo Qeybaha kala duwan ee Reer Gabiley gudo iyo dibadba siweyn la isku weydiiyay waxa dad badan ilaa iyo hada ka daadagi la,a waar Shacbiga Gabiley goormay waalan yihiin? Haseyeeshee, waxa ay dad badani ka warqabaan in cida daaha dambe u taagan Mashruucyda Guulwadeynta qaawan iyo Waji Kumacaashu in uu yahey Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Gabiley Cabdiraxmaan Nuur inkastoo aanu maayarka laf ahaantiisu ka maqneyn oo uu isku daad raaciyo baqaha uu ka qabo Xisbi Xaakimka Kulmiye, waxa kale oo iyaguna jira Shakhsiyaad Xilka Dawladnimo ka helay Xukuumada Siilaanyo oo uu kamid yahey Gudoomiye Kuxigeenka Gabiley Cali-Case iyo rag kale oo Wasiiro ah oo dhamaantood mafiiqda mariyay Sumacadii sharaftii,doorkii iyo kaalintii ay Gabiley ku lahaan jirtey guud ahaanba Dalka,waxaana Xusid mudan in doorka Gobolada iyo Degmooyinka dalku Xukuumada kaga cad goosanayaan ay Gabiley manta noqotey meesha ugu liidata marka gees kasta laga eego iyadoo aan lakala reebayn Maamulka Gobolka Ka Degmada iyo kuwa Xukuumada Dhexe kujira intaba marka laga reebo Gudoomiyaha Gobolka (Xamse Cadow Yuurura), oo isagu Siyaasada iyo Maamulka labadaba ku cusub.

   Sikasta oo ay tahey Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor ayaa isagu ah shakhsiyaadka sida weyn loo calaamadinayo inkastoo Xilka uu hayo ay dhawaan Duqeyda Gobolka Waxgaradka Aqoonyahanka iyo Dhalinyaraduba isku raaceen in lasiiyo Beesha Madigaan oo xaq weyn ku leh Gabiley islamarkaana, aan wax xil ah habayraatee ka haynin guud ahaanba Dalka hadana waxa hor joogsadey Shakhsiyaad koban oo aaney Reer Gabiley xiligan jeclayn laakiin isku sheega kuwa u metela Golayaasha Qaranka , balse waxa ay dad badani u gunteen Cabdiraxmaan doorkii ay Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis(Khadra Xaaji Geydh) Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland ku laheyd sidii uu salaanka kusoo fuuley iyo xilka uu hayo iyo sidii uu ugu abaalgudey markii uu daaha dambe u joogsadey in laga horjoogsado midhihii ay Gabiley kaga tagtey ee Guriga Martida oo ay alifaadiisa iyo Qeybaha Dhismihiisaba wax ku laheyd arintan oo Shacbiga Gabiley xasuusisey Dilaalkii uu ka ahaan jirey Dhulka…Lasoco Maayaradii uu lasoo Shaqeeyay Xogaha ay Ka Bixiyeen iyo Arimo kale……………………..

XIGASHO ;HADHWANAAGNEWS;;

 

COMMENTS
LINKS