Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Samaale Oo Dhambaal Tacsi ah Udiraya Geerida Marxuum Cabdi Aw Daahir Cali | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Samaale Oo Dhambaal Tacsi ah Udiraya Geerida Marxuum Cabdi Aw Daahir Cali
April 6, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ku Sugan dalka kiiniya ayaa sigaar ah dhambaal tacsi ah ugu soo direy Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo shaqada iyo arimaha bulshada oo saaka  ku geeriyooday magaalada burco.

   Cabdicasiis samaale  mudooynkan dambe ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa  isagoo ku hadlaya Magaciisa ka qoyskiisa iyo guud ahaan ka bulshada somaliland waxa uu Dhambaal tacsi ah u dirayaa Qoyskii Qaraabadii,ehelkii,iyo  Shacbiga Somaliland ee uu ka baxey Marxuumku isagoo illaahay uga baryey in uu janadii Fardawsa ka waraabiyo.

Cabdi casiis Maxamed Samaale oo kamid ahaa Siyaasiyiintii ay isu aragtida ahaayeen Marxuum Dr Cabdi Aw Daahir Cali arimihii Xisbiga Kulmiye waxa ay dad badani isku tirin jireen Isku badelkii mar lagu wada sameeyay Golaha Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo Marxuumka loogu wareejiyay Wasaarada Arimaha Bulshada Marxuumku waxa uu Taariikh wanaagsan ku lahaa Siyaada Somaliland isagoo mudo badan lasoo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

 INAANILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN

AAMIN AAMIN

COMMENTS
LINKS