TAARIIKH-NOLOLEEDKII ALLE HA U NAXARIISTE DR. CABDI AW DAAHIR OO MAGAALADA BURCO KU GEERIYOODAY. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TAARIIKH-NOLOLEEDKII ALLE HA U NAXARIISTE DR. CABDI AW DAAHIR OO MAGAALADA BURCO KU GEERIYOODAY.
April 6, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews):- Alle ha u naxariiste Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa Saaka ku geeriyooday Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, hadaba Shabakada Wararka ee Hayaannews ayaa waxay halkan idinku soo gudbinaysa Sooyaalkii Taariikheed ee Cabdi Aw Daahir.

1956 ayuu ku dhashay Deegaanka Oodweyne waxa uu dugsiga hoose ka galay magaalad duruqsi ,1966kii ayuu dugsiga Boodhinka ah ee Oodweyne galay, 1970-kii waxa uu galay dugsigii sare ee camuud 1974kii ayuu jaamacadii Umadda ee magaalada Muqdisho galay waxaanu sannadkii 1979kii ka baxay kulliyada daweynta iyo qalliinka, 1980kii waxa uu shaqada dhakhtarnimo ka bilaabay cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho waxaanu sannadkii 1981kii noqday iskudawaha qaxoontiga ee shabeelada dhexe

1982 waxa loo soo bedelay cisbitaalka Burco oo uu ka noqday dhakhtar qalliin markii dambena isu-duwe caafimaad ilaa sannadkii 1988.

1991 waxa uu noqday isu-duwanaha caafimaadka ee Togdheer iyo dhakhtar qalliin .

1997kii waxa uu noqday wasiirka caafimaadka ee xukuumaddii madaxweyne Cigaal ee Somaliland .

2000 waxa uu ka mid ahaa afar xubnood oo asaasay xisbigi UDUB isaga , Cigaal,Gees, iyo cabdi Yuusuf. waxaanu noqday xoghayihii ugu horeeyey ee xisbiga UDUB. ka dib waxa is khilafeen madaxweyne Riyaale

2003 ayuu xisbiga Kulmiye ku biiray  waxaanu u wareegay magaalada Burco isaga oo ka ahaa dhakhtar .2004tii

sannadkii 2011-kii ayuu noqday wasiirka xanaanada xoolaha bishii labaad ee 2015kii ayuu madaxweyne siilaanyo u magacaabay wasiirka arrimaha bulshada iyo shaqada.

October 26, 2015 ayuu iska casilay xilkii wasiirnimo .

waxaanu ka mid ahaa xubno xukuumada Siilaanyo siyaasad ahaan ka hor yimi .

6April 2016 ayuu Burco ku geeriyooday isaga oo ah 60 sanno jir ah alle ha u naxariisto

Taariikh nololeedkii Ex.wasiir cabdi aw daahir cali oo kooban….

 

 

COMMENTS
LINKS