Sodon Jir Sadqeeyay Milgihii Iyo Sumcadii Suxufinimo Ee Uu Ku Lahaa Bulshada Somaliland Dhexdeeda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sodon Jir Sadqeeyay Milgihii Iyo Sumcadii Suxufinimo Ee Uu Ku Lahaa Bulshada Somaliland Dhexdeeda
April 11, 2016 - Written by Editor:

Ma ogtahay siciidow

Runtu in ay sadwayntahay

Saxansaxo udgoontahay

Warka subag u yeeshoo

Sixin iyo baruur tahay

Suuq gayna noqotoo

Sumcadeeddu badan tahay

Beentuna siniintoo

Siifadeedu kulushahay

Maansadii Saldhigii Aqoonta  Erayadii Iyo Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Waa sadaro hufan oo si saxa farta ugu fiiqi doonta Wariye Terra oo ah Sodon jir gawracay milgihii iyo sumcadii  suxufinimo ee uu ku lahaa bulshada S/land dhexdeeda  wariye ku sumoobay sunta qabyaalada maskaxdiisa iyo maankiisuna la jiran yihiin xanuunka  qabyaalada wariye qaladka saacida samahana ku caarooda wariye u soo banbaxay in uu dhiriq ku saydhiyo, xaqiro. ama xajiimeeyo Wasiir Aqoonyahana ,Waxqabad badan ,Daacada, Karti badan, Samo talisa, Wasiir Caqli lagu hogaamiyo iyo Curinba leh, Wasiir aan la qarin karin waxqabadkiisa Wasiir bulshada S/land ka marag kacayaan cadaaladiisa, daacadnimadiisa iyo horomarka balaadhan ee uu ku talaabsaday mudo shan sano ah uu wasiirka duulista iyo hawada ahaa , Wasiir aan qormo kaliya lagu soo koobi karin baalasha dahabka ah ee  ku xardhan Sooyaalka Siyaasadeed ee Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi . araartasi halkaa ha joogtee aan Qalinka idinku wareejiyo dood wadaag dhex mari doonta Gadh madoobayaashii Murti dhaadhiga ahaa ee[Qodaal joog iyo Qurba joog ] iyagoo  falanqayn doona  Weedhahan Turbaaxanta badan ee Wariye Terra  ku gawracay milgihii iyo sumcadii suxufinimo ee uu bulshada S/land dhexdeeda ku lahaa .

terra

Qurba joog : Ma aragtay wariyihii da’ada yaraa ee Terra Weedhaha turxaanta badan ee uu ka soo baahiyay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ?

Qodaal joog :  War lama yidhaahdee haa waan arkay heesihii iyo  weedhihii maqalka iyo aragaba u daraa waxaana wariye Terra ka raaci doonta dhagxumo diiwaanka taariikhda lagu xusi doono .

Qurba joog : Waa wariye firfircoon oo da’adiisu Sodon gaadhine maxaad ku haysataa ?

Qodaal joog :  Afku kuma go’o wariye C/risaaq Terra haday sodon jir  da’adiisu  gaadhin waxaan u malaynayaa in uu iskuul qabyaalada lagu dhigto ka soo baxay .

Qurba joog : Horta inan yari intuu ood ka boodo ayuu talo ka boodaaye, arin wayn ayaad sheegtee ma dheeli tirnayn waxan uu baahiyay Wariye Terra sobobtoo ah mar kaliya wasiirkaa wanaagiisa ma sheegin isaguse ma dhaliishuun arkaa  mise xumaantuunbuu maqlaa maxaa wanaaga ka qariyay ilayn taariikhda uu ka sheekaynayo  inan yarbuu ahaaye .

Qodaal joog : Hadaad I fahantay waa arday Aqoontisii iyo Dadnimadiisii ay ka awood badatay Qabyaaladu .

Qurba joog : Wariyahani  Hogaamiyayaasha  Siyaasada S/land weedhahan turxaanta badan ma kawada simaa  mise qaarbaa la wanaagsan uu Sacabka u tumaa ?

Qodaal joog: Maya Wariye Terra kama wada simo   waadhahan turxaanta badan ee Heesaha lagu soo kabay dhamaan hogaamiyayaasha siyaasada ee waxa la wanaagsan kuwa ugu dhaliisha badan ee Shacabkii soo doortay ku  hungoobeen  walibana damaca kursiga Madaxwaynaha leh.

Qurba joog : Waa kuma Wariyaha wanaagsan ee dalka iyo dadkaba si daacada ah ugu shaqeeyaa waajibkiisana u guta  isagoo ilaalinaya milgaha iyo sumcada uu ku dhex leeyahay warbaahinta xorta ah iyo bulshada S/land dhexdeeda ?

Qodaal joog : Waxaa hubaala in Wariyaha ama Suxufiga uu ka sareeyo Abwaanku miyaanu ALLE ha u naxariistee C/laahi Suldaan odhan              [ Suxufiyiinta dhawaaqda anigaa u sareeya ] miyaanad se dhugan maansada[ Saldhigii Aqoonta ] oo wacdi iyo waanoba ugu filan  wariyayaasha mihnada saxaafada ku hawlan .

Qurba joog : Murtida maansadani xambaarsantahay wax iiga sheeg .

Qodaal joog : Maansadan waxaa la yidhaa [Saldhiga Aqoonta] sida magaceeda ka muuqatana waxay tilmaamaysaa hab dhaqanka suxufiga wanaagsan ee dalka iyo dadkaba daacadnimo ugu shaqeeya   hadaba si ay dhalinta  mihnada saxaafada ku hawlani uga faa”iidaystaan  waa tan maansadii  .

 

Ma ogtahay siciidow

Saxaafadi in ay tahay

Saldhigii aqoontoo

Tabintuna sir leedahay

Ma ogtahay siciidow

Suxufigii hogaansami

Sabaduu ku noolyahay

Saamayn ku leedahay

Bulsho waynta sixi karo

Cadaaladiyo sinaantiyo

Samahana ka talin karo

Nabadana ku sugi karo

Ma ogtahay siciidow

Suxufigii hogaansami

Sooma jeesto weeyoo

Socodkana ma daaloo

Sahanbuu galaayuu

Warar sugan ku keenaa

Saadaasha gaarka ah

Suuraynta faalada

Sobobaynta kama tago

Qurba joog: Murtida maansadani xambaarsantahay ayaa waano iyo wacdiba ugu filane sharciga iyo xeerarka warbaahinta waxba mayna ka tilmaamin ?

Qodaal joog : Haa waxay si faahfaahsan u sheegtaa in sagaashan qodob warbaahinta u sees tahay waxaana ka mid ah .

Ma ogtahay siciidow

In sagaashan qodoboo

Warbaahinta u seesoo

Salka loo goglaa jiro

Saajinkii qoraalkow

Yuu kula sabaynine

Suryo weeyi adagee

Surinkeeda haba galin

Suubanaanta dhaqankana

Soohdintiisa dhawroo

Sodohaha ha faalayn 

Inkastoon saboolnahay

Waajibaa ku saarane

Haku raadin sooryoo

Sii jeedka haku tabin

Haka suulin garashada

Dulmigana ha saacidin

Haku galin dir soociyo

Safashada qabiilkiyo

Sunta qaranka dumisiyo

Silbashada habawgiyo

Ka ilaali silitada       

Saamigaaga garashada

Yuu safiihu maamulin

Qurba joog :  Waxaa hubaal ah  in waanada Abwaanka uu sideeda u qaadan doono Wariye C/risaaq Terra hadii ALLE yidhaa [Nin ay habari dhashay hal ma seegi waayee ]

Erayadii Iyo Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land Tell:0634669910

COMMENTS
LINKS