FAALO;Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Hantidhawrka Guud Ee Qaranka? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
FAALO;Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Hantidhawrka Guud Ee Qaranka?
April 20, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Shan  sanadood iyo dheeraad uu hayey xilka Qaranka ee Hantidhawrka guud ee Qaranka Maxamuud Aw Cabdi Muxumed(Maxamuud-dheere) waxa uu albaababada u xidhay Hay,ada Baadhista iyo dabagalka Xisaabaadka iyo Hantida Qaranka oo mar walba shaqadeedu taagan tahey islamarkaana, looga baahan yahey in ay Wasaarad kasta,Wakaalad Kasta, iyo Hay,ad kasta oo Qaranka ah ku sameyso baadhis iyo dabagal si ay uyaraadaan musuqmaasuqa iyo wax isdabamarinta qalooca galinaya Xisaabaadka iyo Miisaaniyada guud ee Qaranka.

HANTI DHAWR

Hay,ada hantidhawrka Guud ee Qaranka aya laga wada dharagsan yahey in aaney wax shaqo iyo hawlgalin ah qabanin habayraatee marka laga reebo maalmo kooban oo horaantii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ah ay baadhis ku sameysay Wasaarado dan loo lahaa iyadoo dadka intiisa badani ku tilmaamaan in shaqo joojinteda ay sabab u aheyd amarkii uu sida tooska ah marar badan Maxamuud Dheere uga qaatey Madaxtooyada oo ku amartey baadhis qaar kamid ah Wasaaradaha sida Wasaarada Warfaafinta iyo Wasaarado kale waxaana la sheegay in uu guud ahaanba u hakiyey shaqada baadhista amar uu ka sugayo dhinaca Madaxtooyada oo aan laga jeclaysan baadhista hantidhawr ee Wasaaradaha dalka islamarkaana, aheyd halkii laga soo magacaabay maadaama ay qoyskiisa isku fiicnaayeen Marawada koowaad ee Qaranka kana mid aheyd shakhsiyaadka ugu dhaw dhaw had iyo jeer.

Inkastoo Maxamuud-dheere(Hantidhawraha Guud ee Qaranku), aqoon iyo waayo aragnimo dheeraad ah u leeyahey Shaqada hantidhawrka laguna soo toogtey wakhtiyo hore islamarkaana, Madaxwenihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo Xukuumadiisii Hay,ad waliba shaqadeeda gudan jirtey uu si fiican uga soo shaqeeyay mudo uu hayey  xilka hay,adani waxa wakhti xaadirkan cid waliba isweydiineysaa halka ay ku dambeysay guud ahaanba shaqadii iyo hawshii Hay,ada Baadhista iyo dabagalka Hantida Qaranku?.

 

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS